#Liverpool vs. Wolves: Horyaalka Ingiriska kulankii 38 saadaasha iyo Falaqeynta

0 8,010

Kooxda liverpool oo si mucjiso leh ku gaartay finalka tartanka Champions league ayaa markan kulan kala bax ah garoonkeeda kula ciyaareysa kooxda Wolves si ay u xaqiijiyaan in ay suura gal noqon karto in ay ku guuleystaan koobkoodii ugu horeeyey ee Premier league lkn waa hadii bareejo ama guul daro ay la kulanto Kooxda Man City.

Maxaa ka cusub labada Koox ka hor kulanka :

Liverpool waxaa dib uga soo laabtay safkooda Mohamed Salah kaas oo dhaawac madaxa ka gaaray ku seegay kulankii guusha layaabka lahryd ay ka gareen Kooxda Barcelona.

Jordan Henderson iyo Andy Robertson ayaa la filayaa inay ka soo kabtaan dhaawacyo kasoo kala gaaray jilibka ah iyo kubka intii uu socday kulankii Champions league.

Roberto Firmino ayaa weli garoomada ka maqnaan doona, laakiin waxa uu taam buuxa u noqon doonaa kulanka finalka Champions League.

Dhinaca kale Tababaraha kooxda Wolves Nuno Espirito Santo ayaan qabin dhaawacyo cusub oo xidigihiisa ah waxaana uu magacaabi karaa saf aan wax badelneen 15-kii kulan ee ugu dambeeyey Premier League.
Ogeysiiska Ciyaarta :

Kulanka : Liverpool VS Wolves ( Premier League)

Goobta : Anfield

Goorta : 5:00 oo Galabnimo

Garsoorka : Martin Atkinson

Rikoorada u diwaansan kulan ciyaareedka labadan koox :

Liverpool ayaa badisay afartii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League ay wajahdo Kooxda Wolves balse waxaana laga badiyay hal kulan oo ka mid ah sagaalkii kulan ee ugu dambeeyey (6 – guul iyo 2 bar-baro).

Tani waxay noqon doontaa markii lixaad oo ay kooxaha Liverpool iyo Wolves ay kulmaan kulankooda ugu danbeeya ee xilli ciyaareedka xili Liverpool ay badisay shantii kulan ee hore iyaga oona shantaas kulan dhaliyey 12 gool .

Reds ayaa badisay sideed kulan oo isku xigta waana rigoorkooda ugu wanaagsan ee guulo xiriir ah ee xili ciyaareedkan (12 guul iyo 4-bar-baro)

Liverpool ayaa noqon karta kuwo aan weli looga badinin gurigooda labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay ee horyaalka muddo 39 sano kaddib.

Wolves ayaa xilli ciyaareedkan ku dhameysatay booskeeda ugu fiican ee horyaalka tan iyo sanad ciyaareedkii 2000-01 markaas oo ay la yimadeen 66 dhibcood waxaana xiligaas macalin u ahaa Ipswich.

Safafka macquulka ah ee labada dhinac :

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More