Liverpool Oo Xaqiijisay In Saxiixooda Cusub Thiago Alcantara
Kooxda Liverpool ayaa xaqiijisay goor dhaweyd in saxiixooda cusub Thiago Alcantara uu ku dhacay cudurka halista ah ee Korona Fayras islamarkaana uu haatan ku jiro karantiil shaqsi ah.
Thiago oo Liverpool uga soo biiray isbuucii la soo dhaafay kooxda Bayern Munich ayaa kooxda u ciyaaray kaliya 45 daqiiqo oo uu dheelay kulankii Premier League ee ay ka badiyeen Chelsea.
Wuxuu gabi ahaanba seegay kulankii xalay ay Liverpool ka badisay Arsenal iyadoo la sheegay inuu dhaawac yar ku maqnaa.
Laakiin Liverpool ayaa haatan sheegtay in baaritaan lagu sameeyay ciyaaryahanka in lagu ogaaday inuu qabo Koorna Fayras islamarkaana uu bilaabay inuu is karantiilo.
Warbixin ay kooxda soo saartay ayaa lagu yiri:
“Thiago Alcantara waxaa laga helay Korona Fayras, wuxuuna haatan ku jiraa karantiil isagoo raacaya tilmaamaha caafimaadka.
“Kooxda waxay sii wadi doontaa inay raacdo baratakoolada la xiriira Korona Fayras, wuxuuna Thiago karantiil klu jiri doonaa ilaa iyo waqtiga la iska rabo.”
Caadiyana qofka iskarantiilaya waxa uu karantiilka ku jiraa 10 ilaa iyo 14 maalmood laakiin haddii baaritaano kale lagu celiyo islamarkaana laga waayo fayraska waxaa dhacda in loo ogolaado inuu ka baxo karantiilka.
Waxay tani la micno tahay in Thiago Alcantara uu seegi doono kulanka ay la ciyarayaan Arsenal mar kale ee wareega 16ka Carabao Cup ee habeenka Khamiista ka dhacaya Anfield, waxaa sidoo kale seegi doonaa kulanka Premier League ee ay 4ta bisha October u safrayaan kooxda Aston Villa.
Waxaa la filayaa inuu sidoo kale seego kulamada xulka Spain, iyadoo uu soo laaban doono kulanka Merseyside Derby ee ay Liverpool la ciyaari doonto deriskooda sida weyn isku dhisan ee Everton 17ka bisha October.