Liverpool Oo War Cusub Ka Heshay Dhaawacyada Henderson Iyo

2

Liverpool ayaa war farxad leh ka heshay Jordan Henderson iyo Andy Robertson oo ku dhaawacmay kulamadii caalamiga ahaa ee toddobaadkan, waxaanay rajo ka qabtaa inay dib usoo laaban doonaan ka hor kulanka Leicester City ee Axadda.

Henderson ayaa la beddelay waqtigii nasashada ee kulankii Belgium oo uu awoodi kari waayey inuu ciyaarta kusii jiro, waxaanay arrintaasi walaac ku abuurtay tababare Jurgen Klopp oo ka baqayay inuu ku biiro liiska ciyaartoyda kale ee waqtiga dheer ka maqnaanaya ee muddooyinkii u dambeeyey sariirta loo diray.

Laakiin wararka ay warbaahinta Ingiriisku tabinayaan ayaa sheegaya inay suurtogal tahay inuu tababarka kusoo laabto, isla markaana ay kaliya taxadar ahayd sababtii loo beddelay ee aanay jirin wax weyn oo dhaawac ah.

Andy Robertson oo isaguna dhaawac muruqa ah kasoo gaadhay kulankii xulka qarankiisa Scotland uu ugu gudbay Euro 2020 ee ay kaga adkaadeen Serbia ayaa laga saaray liiska qarankiisa ee kulanka ugu dambeeya bishan ee ay Israel la ciyaari doonaan Arbacada.

Difaacan bidix oo ah midka kaliya ee ka taam ahaa xiddigihii ay khadka dambe u wada istaagi jireen Liverpool ee Van Dijk iyo Gomez oo xili ciyaareedka oo dhan dhaawac ku maqnaanaya iyo Alexander-Arnold oo muddo bil ah jiifaya, ayaa waxa la sheegay in xaaladdiisu wanaagsan tahay.

Tababaraha reer Germany ayuu warku sheegay in kulanka Leicester City ay ku qaabilayaan Anfield Axadda soo socota uu ku xisaabtamayo Henderson iyo Robertson labadaba.

Warka kale ee wanaagsan ee usoo yeedhay tababaraha reer Germany ayaa ah inuu tababarka kusoo laabtay laacibka reer Brazil ee Fabinho oo isaguna difaaca dhexe ka ciyaari doono inta ay maqan yihiin Van Dijk iyo Gomez.

Thiago Alcantara oo ay isagana ugu dambaysay garoomada ciyaartii Everton ee bishii hore ayaa la filayaa inuu kusoo laaban doono garoomada.

Mohamed Salah oo karantiil lagu geliyey waddanka Masar kaddib xanuunka Korona oo ku dhacay ayaa isagana dhinaciisa la sheegayaa in Khamiista lagu samayn doono baadhitaan kale oo haddii uu badqab ka noqdo Korona Fayraska uu awood u yeelan doono inuu dib ugu duulo England.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More