Liverpool oo qandaraaska u kordhisay Mohamed Salah – FM

(Liverpool) 01 Luulyo 2022. Liverpool ayaa maanta oo jimco si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay qandaraaska u kordhisay xiddigeeda reer Massar ee Mohamed Salah, si uu u sii joogo garoonka Anfield.

Salah ayaa galay 12-kii bilood ee ugu dambeeyay qandaraaskiisa kooxda Liverpool kaasoo la saxiixay July 2018, balse wadahadalo socday bilo kaddib, Liverpool iyo Salah waxay gaareen heshiis ay ku sii wada joogayaan ilaa June 2025.

Sida uu daabacay wargeyska Daily Mail ee dalka England, xiddiga reer Massar ee Mohamed Salah ayaa kaddib heshiiskan cusub uu u saxiixay kooxda Liverpool, wuxuu toddobaadkii mushaar ahaan kaga qaadan doonaa adduun dhan 400,000 Pound.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More