Liverpool Oo Jawaab Lama Filaan Ah Bixisay Ka Dib Markii Loo Soo

Liverpool ayaa loo bandhigay fursad ay kula saxiixato xiddiga Manchester United Paul Pogba xagaagan, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Faransiiska.

Xiddiga Faransiiska ayaa kaliya ay sannad kaga harsan tahay qandaraaskiisa haatan ee Man United, welina ma uusan ogolaanin qandaraas cusub.

United ayaa haatan ku qasban inay go’aansato haddii ay iibineyso xiddiga khadka dhexe xagaagan ama haddii ay halis gelinayaan inuu si bilaash ah uga tago xagaaga danbe marka uu qandaraaskiisa dhamaado.

Paris Saint-Germain ayaa durbaba wadahadalo ay kula saxiixaneysao Pogba bilowday xagaagan, waxayna doonayaan inay heshiis la gaaraan ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga.

Laakiin sida ay sheegtay warbaahinta Faransiiska ee Le10 Sport, wakiilka Pogba oo lagu magacaabo Mino Raiola ayaa xiriir la sameeyay Liverpool isagoo u bandhigay fursad ay xagaagan kula wareegi karaan xiddiga ku guuleystay Koobka Adduunka.

Warbixinta Le10 Sport ayaa lagu sheegay in Liverpool ay ku wargelisay Mino Raiola inaysanb xagaagan u dhaqaaqi doonin saxiixa xiddiga Faransiiska.

Laakiin waxay sheegeen inay ka fiirsan doonaan saxiixiisa bisha Janaayo haddii Pogba uusan waqtigaas qandaraaska u kordhinin kooxda Shayaadiinta Cas Cas.

Akhriste ma dhici kartaa in Paul Pogba uu kooxda Premier League ah ku biiro xagaagan?

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More