Liverpool Oo Iibinaysa Difaaceedii Cusbaa Ee Ay Lacagta Kasoo Bixisay

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa iibinaysa difaaceedii cusbaa isagoon wali hal kulanna u safanin, waxaana tababare Jurgen Klopp uu go’aamiyey inuu iska diro laacibkan oo uu ka waayey ifafaaliyihii iyo tayadii uu ka doonayay ciyaartoyda kooxdiisa.

Liverpool ayaa dhibaatootay xilli ciyaareedkii hore markii ay ka dhaawacmeen Virgil van Dijk, Joe Gomez iyo Joel Matip, waxaanay si degdeg ah u gashay suuqa bishii January iyadoo amaah kusoo qaadatay Ozan Kabak, halka ay Ben Davies kusoo iibsatay £1.6 milyan oo Gini.

Labadan ciyaartoy ayaa waxa kaliya oo qayb ka noqday safka Klopp laacibka reer Turkey ee Ozan Kabak oo ka garab ciyaaray Nat Phillips, laakiin Ben Davies ayaa isagu noqday mid dhaawacyo ragaadiyeen oo intii uu taamka ahaana kaydka usoo galay Rhys Williams.

Kaddib markii uu xilli ciyaareedku soo dhamaaday, Liverpool ayaa go’aamisay in ay dib iskaga celiso Kabak oo aanay rasmi u beddelin heshiiskiisii amaahda ahaa, waxaanay lasoo saxeexatay Ibrahima Konate oo ay £36 milyan oo Gini kaga soo qaadatay RB Leipzig.

Waxa kale oo Liverpool usoo laabtay saddexdii difaac ee dhaawaca kaga maqnaa ee Van Dijk, Gomez iyo Matip, kuwaas oo ay usii fadhiyaan Nat Phillis iyo Rhys Williams oo uu tiradoodana sii kordhinayo Ibrahima Konate.

Tani waxay keentay in kooxdu ka fikirto mustaqbalka Ben David oo ay muuqato in aanu xataa kursiga kaydka usoo geli doonin kooxda maadaama lix ciyaartoy is-dulsaaran yihiin.

Reds ayaa go’aansatay inay iibiso xagaagan Ben Davies oo ay kasoo bixisay £1.6 milyan oo Gini, waxaase cajiib ah in waayihii laacibkan ee Liverpool uu soo dhamaaday isagoon hal kulanna u safanin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More