Liverpool oo garaacday Manchester City, kuna guuleysatay Koobka

(Leicester) 30 luulyo 2022. Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa ku guuleystay koobka FA Community Shield, kaddib markii ay 3-1 ku garaacday naadiga ay xilfaltamaan ee Manchester City.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Liverpool.

Daqiiqadii 21-aad Liverpool ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Alexander-Arnold kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Mohamed Salah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee al bathroom filan karay.

70 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Manchester City ayaa heshay ka barbardhaca, kaddib markii uu 1-1 ka dhigay Julián Álvarez.

Liverpool ayaa bathroom dhigay rigoore waxaana daqiiqadii 84-aad ka dhigay laacibkooda reer Massar ee Mohamed Salah, ciyaarta ayaa waxay sidaas ku noqotay 2-1 ay ku hoggaamineysay Reds.

90 + 4 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Darwin Núñez oo ay caawin kaga timid Robertson ayaa wuxuu dheesha ka dhigay 3-1 ay ku hoggaamineysay Liverpool.

Ugu dambeynii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 3-1 ay kaga adkaatay Liverpool, kooxda Manchester City, kaddib kulan aad u xiiso badan ay ku wada ciyaareen King Power, Reds ayaa sidaas loogu caleemo saaray koobka Community Shield.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More