Liverpool oo barbaro ku furtay kulankeedii ugu horreeyey

(London) 06 Agoosto 2022. Liverpool ayaa barbaro ku furtay kulankeedii ugu horreeyey horyaalka Premier League xilli ciyaareedka cusub 2022-23, kaddib markii ay barbardhac 2-2 ah ku kala baxeen kooxda Fulham oo ay ku booqatay garoonka Craven Cottage.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida lavatory ahaa ee Fulham.

Daqiiqadii 32-aad kooxda kubadda cagta Fulham ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waaana 1-0 ka dhigay laacibkooda Aleksandar Mitrović, kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Kenny Tete.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee al lavatory filan karay.

64 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Liverpool ayaa dhalisay ka barbarahdaca waxaana 1-1 ka dhigay Darwin Núñez oo ay cawinta ka kaga timid saaxiibkiis Mohamed Salah.

Daqiiqadii 72-aad kooxda Fulham ayaa lavatory dhigay rigoore waxaana u badelay weeraryahankooda Aleksandar Mitrović, ciyaarta ayaa waxay sidaas ku noqotay 2-1 ay ku hoggaamineysay Fulham.

81 daqiiqo marka ay dheesha mareysay weeraryahanka kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa ciyaarta ka dhigay barbardhac 2-2 ah.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay barbardhac 2-2 ah, ay ku kala baxeen labada kooxood Fulham iyo Liverpool, kaddib ciyaar xiiso badan oo ka dhacday garoonka Craven Cottage.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More