“Liverpool markale kuma guuleysan doonto horyaalka

Halyeeyga Liverpool Jamie Carragher ayaa sheegay in wadada kaliya ee uu ku difaacan karo horyaalkiisii ​​hore ee Premier League ay tahay kadib guuldaradii xalay ka soo gaartay Southampton garoonka St Mary’s Stadium.

Guuldaradan ayaa siineysa kooxda ay xafiiltamaan Liverpool ee Manchester United seddex dhibcood hadii ay garaacaan Burnley isbuuca soo socda.

Mid ka mid ah isbadaladii ugu badnaa ee Klopp ee kulankii shalay ayaa ahaa inuu khadka dhexe ka ciyaarsiiyo Jordan Henderson iyadoo keydka ay fadhiyeen Ryhs Williams iyo Nat Philipps.

Ciyaarta ka dib, Carragher ayaa u sheegay Sky Sports:

Jamie oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi ”Ma arko Liverpool oo ku guulaysatay horyaalka hadii ayna iibsan xiddig khadka dhexe ah”.

“Waxaan dhahay kadib ciyaartii Everton markii Van Dijk dhaawacmay laakiin waxaan u maleynayaa inay noqon doonto su’aal adag hadii aysan cidna la imaan”.

Xiddigaha khadka dhexe ee kooxda Liverpool ee Virgil Van Dijk iyo Joe Gomez ayaa laga saaray dhaawacyo wakhti dheer ah halka Joel Matip uu in muddo ah garoomada ka maqnaa.

Reds ayaa ku guuldareysatay inay keensato bedelkii Dejan Lovern intii lagu jiray xagaagii, iyadoo da’yarta Philipps iyo Williams ay weheliyaan Fabinho oo khadka dhexe ka ciyaara.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More