Liverpool & Man United Oo Hogaaminaya Qorshe Lagu Dhisayo

Liverpool iyo Manchester United ayaa qeyb ka ah wadahadal ay kula jiraan kooxaha ugu waa weyn Yurub iyadoo lagu dhisayo tartan cusub oo ay taageersan tahay FIFA kaasoo wax weyn ka bedeli doona kubada cagta caalamka.

- Advertisement -

Sky News ayaa ogaatay in maalgashadayaasha inay isku diyaarinayaan lix bilyar doolar oo lagu dhisayo tartanka cusub kaasoo loogu magacdari doono European Premier League.

In ka badan toban kooxood oo ka dhisan England, France, Germany, Italy iyo Spaun ayaa wadahadal ugu jira inay noqdaan xubnaha aas-aasaya tartanka.

Ilaa iyo shan kooxood oo Ingariis ah ayaa ku biiri doona tartanka cusub iyadoo loo qabtay tartanka in la bilaabo marka ugu soo horeysa sannadka 2022.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in FIFA oo ah ururka kubada cagta adduunka inay qeyb ka yihiin dhisitaanka tartanka cusub oo la filayo inay ka mid noqdaan 18 kooxood, iyadoo kulamada tartanka la ciyaari doono inta ay socdaan horyaalada Yurub.

Shaqsi ka mid ah dadka la socda qorshahaan ayaa sheegay in la filayo in tartanka cusub si rasmi ah loogu dhawaaqo dhamaadka bishaan, inkastoo weli aan la dhameystirin kooxaha ka qeyb qaadanaya tartanka iyo sida loo qabanayo tartanka.

Isha warkaan laga soo xigtay ayaa ku tilmaamtay in tartankaan uu noqonayo mid bedela wajiga kubada cagta muddo tobanaan sannadood ah.

Marka laga soo tago Liverpool iyo Manchester United oo horboodaya tartanka cusub, waxaa iyagana la filayaa inay ku biiri doonaan kooxaha Arsenal, Chelsea, Manchester City iyo Tottenham.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More