Liverpool Iyo Manchester United Oo Arsenal Ku Qabsaday Xiddigii Ay

Manchester United iyo Liverpool ayaa si lama filaan ah ugu soo biiray tartan ay hore kali ugu ahayd Arsenal, taas oo ku raad-joogtay saxeexa xiddig ay sannadkii labaad saxeexiisa raadinayso.

Jurgen Klopp iyo Ole Gunnar Solskjaer ayaa raadinaya ciyaartooyo cusub oo ay kusoo kordhiyaan kooxahooda xagaagan, si ay ugu tartami karaan xilli ciyaareedka dhowaanta bilaabmaya, laakiin haddana duruufaha dhaqaale ayaa haddana xakamaynaya.

United ayaa hore u xaqiijisatay saxeexa Sancho oo ay ka bixisay £73 milyan oo Gini, waxaanay kaabiga u saaran tahay Raphael Varane iyo Kierran Trippier oo la sheegay inay ku heli karayso £60 milyan oo Gini, taas oo ka dhigan, in mar horeba ay qasnaddeeda kasoo saartay £140 milyan oo Gini.

Liverpool ayaa iyaduna hal saxeex oo kaliya samaysay xagaagan, waana difaaca reer France ee Ibrahima Konate oo ay bishii May kala soo wareegeen RB Leipzig, laakiin waxay raadinayaan ciyaartoygii u beddeli lahaa Georginio Wijnaldum oo si bilaash ah kaga tegay, una wareegay PSG.

Jurgen Klopp ayaa waxa diiraddiisa soo galay kubbad-sameeyaha kooxda Lyon ee Houssem Aouar oo ay muddo dheer ku raad-joogtay Arsenal.

Lyon ayaa iska diidday dalab ay Arsenal u gudbisay xagaagii hore oo ahaa £32  milyan oo Gini, waxaanay u sheegtay in aanay laacibkeedan ku bixin doonin wax ka hooseeya £55.5 milyan oo Gini, taas oo dib u dhigtay Arsenal.

Laakiin qiimaha ciyaartoygan ayaa si weyn hoos ugu soo dhacay xagaagan, sida ay warbaahintu sheegtay, waxaana lagu heli karayaa £21.3 milyan oo Gini, waxaana maalmihii u dambeeyey mashquul ahayd Arsenal oo ku dedaalaysay inay ku qanciso Lyon inay ka iibiso laacibkan.

Si kastaba, kooxaha Manchester United iyo Liverpool ayaa kusoo biiray tartanka Houssem Aouar, waxaana sidoo kale ku wehelinaysa Tottenham.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More