Lionel Messi Oo Laga Saaray Liiska Ciyaaryahanadda Barcelona Ee

Kabtan Lionel Messi ayaa laga reebay liiska ciyaartoyda Barcelona ee gellinka dambe ee maanta safarka ugu baxaya waddanka Ukraine oo ay kula soo ciyaari doonaan kooxda Dynamo Kiev, kulanka afraad ee tartanka Champions League ee hormooyinka.

Tababare Ronald Koeman ayaa go’aansaday in Lionel Messi uu kaga tago magaalada Barcelona, isla markaana aanu qayb ka noqonin ciyaartan.

Xiddiga reer Argentina oo xili ciyaareedkan la saluugsan yahay bandhiggiisa ayaa la nasiyey kulankan, waxaana sidoo kale aan safarka qayb ka ahayn kubbad-sameeyaha reer Netherlands ee Frenkie de Jong, taas oo ka dhigan in Ronald Koeman uu urursaday ciyaartooyo da’yar ah oo kooxda heerka labaad uu kasoo qaatay.

Liiska ciyaartoyda Barcelona oo uu tababare Ronald Koeman shaaciyey ayaa waxa aan ku jirin Messi oo maqnaanshihiisa lagu sababeeyey in kulamo badan uu si joogto ah u ciyaarayay, isla amrkaana uu ilaa ciyaarihii waddankiisa Argentina qayb weyn kasoo qaatay, sidaa darteedna loo siiyey fasax maadaama saddexdii ciyaarood ee hore ee Champions League ay si raaxo leh usoo guuleysteen, isla markaana awoodda Dynamo Kiev aanay ahayn mid cabsi ku abuuri karaysa.

Marka laga yimaaddo Messi iyo De Jong, waxa kale oo liiska ciyaartoyda Barcelona ka maqan dersin ciyaartooyo dhaawac ah, sida Ansu Fati, Ronald Araujo, Sergio Busquets, Sergi Roberto iyo Gerard Pique.

Warka farxadda leh ee ay jamaahiirtu maqleen ayaa waxa uu yahay in laacibka reer France ee Ousmane Dembele oo hore loo sheegay inuu dhaawac ka qabo garabka, inuu ka soo kabtay oo uu taam u noqonayo ciyaartan.

Ronald Koeman ayaa kooxdiisa kusoo daray Oscar Minqueza oo difaaca dhexe uga ciyaara kooxda da’yarta iyo laacibiin yaryar oo ciyaartii Atletico Madrid na uu kooxda kusoo daray sida Konrad de la Fuente iyo goolhaye INaki Pena. Matheus Fernandes ayay layaab noqotay inuu kasoo muuqdo liiska ciyaartoyda Barcelona ee u safraya Ukraine.

Liiska ciyaartoyda Barcelona ee kulanka Dynamo Kiev:

Goolka: Marc-Andre ter Stegen, Neto, Inaki Pena.

Difaaca: Sergino Dest, Jordi Alba, Junior Firpo, Oscar Mingueza, Konrad de la Fuente, Clement Lenglet.

Dhexda: Carles Alena, Miralem Pjanic, Riqui Puig, Philippe Coutinho, Pedri, Matheus Fernandes.

Weerarka: Antoine Griezmann, Martin Braithwaite, Ousmane Dembele, Trincao.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More