Lionel Messi Oo Doonayey Inuu Jose Mourinho Dartii Ug Tago

Lionel Messi ayaa sabab qariib ah u doonayay inuu uga tago Barcelona sannadkii 2004, sida ay muujiyeen xogo cusub oo la helay.

- Advertisement -

Xiddiga reer Argentina ayaa la sheegay in sannadkii 2004 uu doonayay inuu iskaga tago Barcelona, si uu qayb uga noqdo Chelsea oo xilligaas oo Jose Mourinho tababare ka noqday.

Messi oo ka mid ahaa ciyaartoyda da’da yar ee kasoo baxday kulliyadda La Masia ee Barcelona ayaa waxa uu la dhacsanaa falsafadda tababarenimo ee Jose Mourinho marka kaliya dunida ku qabsaday, iyadoo uu waqtigaas Champions League u qaaday FC Porto ka hor intii aanu imanin horyaalka Premier League.

Sida uu daaha ka fayday wariye Gianluca Di Marzia, markan ayay ahayd xilligii ugu horreysay ee uu Messi ku fikiray inuu ka tago Barcelona, iyadoo uu waqtigaasna aanay hirgelin wada-hadalkii Chelsea u socday.

Labada kooxood ayaanu warku sheegin inay iyagu ka xidhiidheen kala iibsiga Messi, hase yeeshee waxa uu laacibkan oo waqtigaas ay da’diisu yarayd uu ku dhowaaday inuu ka hoose ciyaaro Jose Mourinho.

Lionel Messi oo ay hadda da’diisu tahay 33 jir, waxa uu 16 sannadood kaddib isaga oo kabtan ka  ah Barcelona uu go’aansaday inuu iskaga tago Camp Nou oo uu inta ka hadhay xirfaddiisa koox kale ula guuro.

Madaxweyne Josep Maria Bartoemu ayaa qaab xeeladaysan ku joojiyey xagaagii tegay markii uu Messi isku diyaariyey inuu iskaga tago kooxda, waxaanu ku furay buuq sabab u noqday inuu go’aanka bixitaanka ka laabto oo uu dhamaysto sannadka uga hadhsanaa heshiiskiisa.

Xili ciyaareedkan socda ayaa la filayaa inuu noqdo midkiisii ugu dambeeyey sidii uu isaguba sheegay, waxaana Messi lala xidhiidhinayaa kooxo ay ka mid tahay Manchester City, balse kubadda cagta ayaan waxba laga saadaalin karin, waxaana isbeddeli kara go’aankiisa haddii isbeddel ku dhaco madaxda kooxda oo mashruuc qanciya loo bandhigo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More