#Lionel Messi ‘Farogeliyey’ sida guddiga Barcelona ay go’aan kama dambeysta ah uga gaaraan Ernesto Valverde

78,604

Tababare Ernesto Valverde ayaa u muquda mid la siin doono fursad uu sanad kale kusii maamulo kooxda Barcelona, inkastoo isbuucaan ay soo baxayeen warar badan oo tilmaamaya in la ceyrinayo kadib guuldaradii Copa del Rey.

Barcelona waxey kaliya ku guuleysatay La Liga, balse shaki badan ayaa la galiyay mustaqbalka Valverde maadaama ay kooxdiisa ku fashilantay tartanka Champions League iyo sidoo kale koobka ay afartii sano ugu dambeysay ku guuleysaneysay ee Copa del Rey.

Waxaa soo ifbaxay warar sheegaya in Roberto Martinez uu maamuli doono Barcelona kana soo tagi doono shaqada xulka qaranka Belgium, balse Marca ayaa ku warrantay in maamulka kooxda reer Catalonia ay go’aansadeen iney sii aaminaan Ernesto Valverde.

Waxaa la helay xogo qarsoon oo muujinaya sida ay xiddigo badan oo safka hore ah u doonayaan inuu macalinkaan sii joogo Camp Nou, Lionel Messi ayaa ka mid ah liiska xiddigaha waaweyn ee garabka siinaya.

Xiddiga reer Argentina wuxuu taageeray Valverde, inkastoo uu meel fagaare ah ku muujiyay sida uu kaga xun yahay wixii kooxda ku dhacay, hadana waxaa la leeyahay go’aanka maamulka lug ayuu ku yeeshay maadaama uu yahay kabtanka kooxda.

Sidoo kale Gerard Pique, Jordi Alba iyo Ivan Rakitic ayaa kula mideysan Lionel Messi taageerada Valverde, waxeyna wax walba u muuqdaan inuu sanad kale sii joogayo macalinka reer Spain.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More