#Leonardo: ‘Waa Iska Cadeyd Qaladka Waxaa Iska Leh Garsooraha’

658

Halyeeyga AC Milan iyo xulka qaranka Brazil ahna agaasimaha ciyaaraha ee kooxda Leonardo ayaa si kulul u cambaareeyay garsoorka, kadib guuldaradii ay kala kulmeen Juventus.

Juventus ayaa guul soo laabasho ah ka gaartay Kooxda Ac Milan, kaddib ciyaar ku dhamaatay 2-1, taasoo ka tirsaneyd kulamada 31-aad ee horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga.

Ciyaarta kadib Leonardo ayaa ku dooday in garsooraha uu iska indho tiray rigoore ay u qalmeen inuu ku abaal mariyo garsooraha iyo khaladaad kale, balse ma aysan dhicin.

“Aad ayaan u niyadjabnay, waxaan ka codsanay kooxda inay u ciyaaraan si geesinimo iyo kalsooni leh, waana taas waxa aan sameenay”.

“Khaladaad garsooraha ee ciyaartan ayaa ahaa mid iska cad, wax qabadka garsooruhu runtii ma fiicnayn”.

“Ma doonayo inaan muran dhaliyo, balse go’aamada garsooraha inta ay ciyaarta socotay ayaa waxay ahaayeen kuwo niyad jab ah”.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More