“Layaab Iguma Noqon Doonto Haddii Real Madrid Ay I Caydhiso”

Zinedine Zidane ayaa ka hadlay hadal-haynta suuqa ku jirta ee sheegaysa in ay Real Madrid ka caydhin doonto shaqada haddii ay kooxdiisu usoo bixi weydo wareegga 16ka tartanka Champions League.

Los Blancos ayaa u baahan in habeen dambe ay Guul kasoo hoyso Borussia Monchengladbach si ay kaalinta koowaad ugaga soo baxdo Group B, laakiin haddii laga badiyo amaba ay barbarro gasho, waxay macasalaamayn toontaa tartanka, balse waa inay Inter Milan soo guuleysato.

Tababare Zinedine Zidane ayaa la sheegay in shaqadiisu ku xidhan tahay natiijada ciyaartan iyo waliba kulanka xiga ee Atletico Madrid ee Sabtida, laakiin tababaraha reer France oo warbaahinta la hadlay ka hor ciyaarta Arbacada ayaa waxa uu soo qaaday arrinta mustaqbalkiisa, waxaanu yidhi: “Kooxdu waxay samayn doontaa wixii ay horeba u samayn jirtay. Aniguna kama fikirayo arrintaas (In shaqada laga caydhiyo), kaliya waxaan ka fikirayaa ciyaarta berri. Kooxdu waxay samayn doontaa waxyaabihii ay hore u samayn jirtay.”

Zidane ayaa la weydiiyey haddii guulihii waaweynaa ee uu Real Madrid soo gaadhsiiyey ay badbaadin doonaan, waxaanu yidhi: “Maya, taasi waa wax tegay. Waxa muhiimka ahi waa waqtiga la joogo iyo mustaqbalka. Wixii dhacayaa way dhacayaan. Layaab na iguma noqon doonto.”

Real Madrid waxay haysataa 7 dhibcood oo ay isku mid ka yihiin Shakhtar Donetsk oo labadii ciyaarood ba ka badisay, waxaa se hoggaanka haysa Borussia Monchengladbach oo siddeed dhibcood haysata, halka Inter Milan ay shan dhibcood leedahay.

Dhamaan afarta kooxood ayaa fursad u haysta inay u gudbaan wareegga 16ka, waxaana go’aaminaysa ciyaarta ugu dambaysa hormadan ee caawa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More