LAMA FILAAN: Kooxda Ay Qoyska Cristiano Ronaldo La Doonayaan Inuu Ku

Qoyska weeraryahanka kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa lagu soo warramayaa inay wiilkooda ku taageerayaan wararka sheegaya inuu xiisaynayo ku laabshada kooxdiisii carruurnimo ee Sporting Lisbon.

Mustaqbalka Ronaldo ee kooxda ree Talyaani ayaa ahaa mid cirka ku shareeran bilahan ugu dambeeyay kaddib markii Juve wareega 16-ka ee Champions League lagu dilay isla markaana ay Inter Milan soo af-meertay guulahoodii xidhiidhka ahaa ee horyaalka Serie A.

Sidoo kale waxa jira warar sheegaya in Juventus qudheedu ay doonayso inay iska iibiso Ronaldo xagaaga si ay mushaharka aadka u badan ee uu ka qaato dib ugu dhisaan safkooda dhibtoonaya.

Si kastaba, waxa jira kooxo cayiman oo awood u leh inay sameeyaan saxeexa Ronaldo iyo mushaharkiisa badanba, dhawaan ayay ahayd markii ugu horreynba madaxweynaha Actual Madrid ee Florentino Perez uu meesha ka saaray inay dib ula saxeexanayaan CR7.

Sidoo kale kooxaha Manchester United iyo Paris Saint-Germain ayaa ah kuwo lala xidhiidhinayo saxeexa Ronaldo balse ma cadda haddiiba ay si dhab ah u xiisaynayaan.

Warka intaas oo dhan ka dambeeyay kana yaabka badan ee Isniintii shalay ahayd ay saxaafada Talyaanigu qortay ayaa ah in Ronaldo uu doonayo inuu heshiiskiisa Juve oo sanad kale ka hadhay dhammaysto kaddibna Sporting Lisbon u dhaqaaqo.

Haddiiba uu Ronaldo heshiiskaas dhammaysto ayay ka dhignaan doontaa in xagaaga dambe qaab bilaash ah lagu heli doono.

Wargeyska ree Portuguese ee Document ayaa sheegay in Ronaldo doonayo inuu waayihiisa ciyaareed ku dhammaysto halkii uu kasoo bilaabay ee Lisbon.

Qoyska Ronaldo ayaa ah kuwo si weyn u taageeraya go’aanka wiilkooda, hooyadii Dolores Aviero iyo qoyskiisa inta kale ayaa taageere u ah Sporting.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More