Lacagtii Uu Diego Maradona Ka Dhintay & Duruuftii Uu Ku

Mar ayuu ahaa ciyaartoyga ugu oo dhan ugu mushaharka badan leh, laakiin noloshiisa ayay gilgishay daroogooyin uu isticmaalay, xad-gudubyo sharci iyo dhibaatooyin dhaqaale oo xanuun badan soo gaadhsiiyey noloshiisa, isla markaana ugu dambayntii uu god-galay iyadoo ay qasnaddiisu madhan tahay.

60 jir ayuu ku geeriyooday Arbacadii, waxaana dhimashadiisa sababay wadne istaag si lama filaan ah ugu soo booday iyadoo uu joogo guriga, naftana lama gaadhin dhakhtarka, sida ay xaqiijiyeen warbaahintu.

Intii uu noolaa ee uu ku jiray garoomada, Maradona iyo Pele ayaa ahaa kuwa dhifka ah ee lagu tilmaamo inay ugu wanaagsanaayeen dunida illaa haddana wali dooddu waxay ka taagan tahay midkooda fiicnaa labadoodan, mana jiro ciyaartoy lala barbar-dhigo inkasta oo dhowaanahan meeqaamkaas la gaadhsiinayay Lionel Messi.

Guulaha uu gaadhsiiyey waddankiisa ee uu u qaaday Koobkii Adduunka ee 1986kii, waxa ka xasuuq badan goolkii gacanta uu kaga dhaliyey Ingiriiska oo illaa hadda aan la illoobin, balse waxyaabo kale oo wanaag iyo xumaan ba leh ayaa lagu xasuusanayaa.

Waqtiyadii ay xirfaddiisa ciyaareed halka ugu sarraysa joogtay, waxa qasnaddiisa kusoo dhici jiray tobannaan milyan oo dollar oo isugu jiray mushaharooyin iyo xayaysiimo uu sameeyo, kuwaas oo ay qaarkood socdeen xataa intii uu tababaraha ahaa.

Markii uu Barcelona ku biiray sannadkii 1982kii, waxa uu noqday ciyaartoygii ugu qaalisanaa, labadii sannadood ee uu joogay Camp Nou wuxuu ahaa mid mushahar waalli ah qaata.

Sida ay qortay jariiddada International Business Time, Napoli ayaa Barcelona kaga iibsatay lacagtii ugu badnayd ee ciyaartoy lagu iibsado waqtigaas, waxaana ay mushahar ahaan u siin jirtay lacag dhamayd $3 milyan oo dollar iyo $10 milyan oo uu xayaysiimaha ka heli jiray, taas oo ka dhigaysay wadarta $13 milyan oo dollar.

Haddii lacagtan lagu beddelo sarrifka maanta ay u dhiganto, waxay noqonaysaa $26 milyan oo dollar.

Kaddib markii uu ciyaaraha ka fadhiistay, waxa uu tababare usoo noqday toddoba kooxood iyo xulka qaranka Argentina oo uu Koobkii Adduunka ee 2010 macallin u ahaa.

11 bilood oo sannadkii hore ah, waxa uu tababare ka ahaa waddanka Mexico oo uu koox ka dhisan laylin jiray iyadoo uu bishiina mushahar u qaadan jiray lacag dhamayd $150,000.

Sida uu magaciisu u weynaa hanti uma haysanin, waxaana geeridiisa kaddib soo baxday lacagta ku jirtay xisaabtiisa baanka uga furan.

Jariidadda Express.co.uk ayaa shaacisay lacagta uu ka dhintay Diego Maradona ee qasnaddiisa ku jirta, waxaanay qiyaas ahaan tahay $100,000 (Boqol kun oo dollar).

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More