Lacag Intee La Eg Ayuu Xiriirka Kubada Soomaaliya Ka Helay Kulankii

Xulka Soomaaliya ayaa dhawaan waxay isreebreenka FIFA Arab Cup la ciyaareen xulka Oman iyagoo soo bandhigay ciyaar xiiso badneyd oo loo riyaaqay inkastoo ay guuldarro 2-1 ah soo gaartay.

Inkastoo ay Soomaaliya ka hartay koobka FIFA Arab Cup hadana waxay xiriirka kubada cagta Soomaaliya ka heleen dhaqaale xoogan kulankii ay xulka ciyaareen dhawaan.

Sida caadada ahba FIFA waxay lacag siisaa xulalka ka qeybgala tartamada caalamiga ah. Lacagta uu xul walba qaadanayo waxay ku xiran tahay booska uu xul walba ku haro ama uu ka gaaro tartanka.

Isreebreebka ayaa noqonaya midka ugu lacag yar halka lacagta ugu badan uu qaadanayo xulka guuleystaha ah. Hadaba immisa lacag ah ayay xiriirka kubada cagta Soomaaliya heleen?

FIFA waxay lacag abaalmarin ah siisay dhamaan xulalkii ka qeybgalay tartanka isreebreebka FIFA Arab Cup, iyadoo lacagta loo kala qeybiyay xulalkii isreebreebka ku haray oo ay Soomaaliya ka mid tahay iyo kuwa u gudbay wareega group-yada.

Sida uu sheegay wariye Abdirashid Shardinho, Soomaaliya waxay FIFA ka heshay 500 kun doolar madaama ay soo hareen halka xulalkii u gudbay wareega group-yada lagu abaalmariyay lacag gaareysa 750 kun doolar.

Warbixinta oo faahfaahsan iyo xog dheeraad ah ka daawo muuqaalka hoose ee uu diyaariyay wariye Abdirashid Shardinho

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More