Labada Shaxood Ee Adag Ee Mikel Arteta Uu Ku Ciyaarsiin Karo

Mikel Arteta ayaa isticmaali kara laba shaxood oo adag oo uu naadigiisa Arsenal ku ciyaarsiin karo kaddib markii Gunners ay maalintii ugu dambaysay suuqa iibka ciyaartoyda lasoo saxeexatay Thomas Partey oo ay kala soo wareegeen Atletico Madrid.

27 jirkan reer Ghana ayay Arsenal bixisay lacagtii lagu burburin karayay heshiiskiisa Atletico, waxaana uu siinayaa Arteta kalsooni khadka dhexe ah iyo inuu ka warwar la’aado goolashii badnaa ee laga dhalinayay iyo dhexdii sida fudud lagu jabin karayay.

Kooxda ka dhisan woqooyiga London ayaa la filayaa in kulanka ugu horreeya ee horyaalka ee marka laga soo laabto ciyaaraha caalamiga ah uu ugu soo bilaaban doono Thomas Partey, taas oo ka dhigan in Mikel Arteta uu isbeddel ku samayn doono safkii uu kula ciyaaray Sheffield United usbuucan horraantiisii oo ay 2-1 kaga adkaadeen.

Manchester City ayaa ah kulanka kusoo aaddan ee Arsenal ay isku diyaarinayso, waxaana uu Partey u babbac dhigi doonaa xiddigaha ay ka midka yihiin Kevin de Bruyne, Raheem Sterling, Riyad Mahrez iyo kuwo kale oo uu kula dagaallami doono sidii uu u joojin lahaa.

Laba shaxood oo awood badan ayuu Mikel Arteta ku ciyaari karaa ama laba siyaabood ayuu u safi karaa kooxdiisa isaga oo isticmaalaya Thomas Partey.

Goolhaye Leno ayaa mar walba booskiisa xajisan doona haddii uu caafimaad qabo, waxaana ka horreyn doona labada difaac ee reer Brazil ee David Luiz iyo Gabriel Magalhaez, halka Kieran Tierny iyo Hector Bellerin ay baallaha difaaca taaganaan doonaan, sidoo kalena hore ugu socon doonaan inay khadka dhexe caawiyaan.

Shaxdan oo ah midda la filayo in inta badan ay Arsenal ku ciyaari doonto, waxa khadka dhexe wadaagi doona Xhaka iyo Thomas Partey oo garabkoodana uu Arteta u kala xulan doono Maitland-Niles iyo Bukaya Saka.

Afka hore ee weerarka ayay wadaagi doonaan Aubameyang, Lacazette iyo Pepe oo ay loollami doonaan Willian.

Shaxda koowaad:

Shaxda labaad

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More