Laba Ciyaartoy Oo Muhiim U Ah AC Milan Oo Laga Helay Korona

Kooxda kubadda cagta AC Milan ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba ka mid ah xiddigaheeda uu ku dhacay xanuunka Korona Fayras ka hor kulanka adag ee ay caawa kula ballansan yihiin AC Milan.

- Advertisement -

Xanuunka Korona Fayras ayaa si weyn ugu faafaya dunida mar kale, waxaana uu ku dhex jiraa bahda ciyaaraha, iyadoo uu hadda go’doon ugu jiro Cristiano Ronaldo balse uu dhowaan kasoo kabtay Zlatan Ibrahimovic oo isaguna in muddo ah guri ugu xaraysnaa.

AC Milan waxay sheegtay in baadhitaankii u dambeeyey ee ciyaartoyda kooxdeeda lagu sameeyey, in lagu ogaaday Jens Petter Hauge iyo goolhaye Gianluigi Donnarumma ay qabaan xanuunkan, isla markaana ay ios-go’doomin geli doonaan.

Rossoneri oo caawa garoonkeeda ku qaabilaysa Roma, waxa kale oo ay xaqiijisay in saddex ka mid ah shaqaalaha kooxda iyagana laga helay xanuunkan.

War-saxaafadeed ay AC Milan soo saartay ayaa lagu yidhi: “AC Milan waxay shaacinaysaa in natiijadii aanu ka helnay shaybaadhkii fiidnimadii shalay ay muujinayaan in xanuunka laga helay Gianluigii Donnarumma, Jens Petter Hauge iyo saddex ka mid ah shaqaalaha kooxda.

“Dhamaantood ma laha wax calaamado ah, waxaanay si degdeg ah u geli doonaan karantiil ay la socon doonaan masuuliyiinta caafimaadka ee guduhu.”

AC Milan waxay sheegtay in mar kale ay tijaabo caafimaad oo lagu hubinayo laacibiinta kale ay ku samaysay dhamaan xiddigaheeda iyo shaqalaha, ka hor kulanka Roma, waxaanay tidhi: “Maanta, mar kale ayaa kooxda oo dhan baadhitaan lagu sameeyey, sida uu sharcigu dhigayo, mana jiraan ciyaartooyo cusub oo laga helay xanuunka.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More