Kylian Mbappe Oo Ka Cadhaysan Waraysi Ay Dhawaan PSG Faafisay,

Da’yarka kooxda Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe ayaa lagu soo warramayaa inuu ka cadhaysan yahay waraysi ay kooxdu ka qaaday bishii May oo haatan lasii daayay.

Wadahadaladii heshiis kordhinta ee u dhaxeeyay Mbappe iyo agaasimaha kooxdaas ee Leonardo ayaa gabi ahaanba bur-buray waxaana uu 22 sano jirkaasi u muuqdaa mid ka tagaya Parc des Princes.

Mbappe iyo wakiiladiisa ayaa ka cadhaysan waraysigaasi uu qish kaga bixinayay xiddigaasi mustaqbalkiisa xilli uu muran ka taagan yahay arrimahaasi haatan.

Heshiiska hore ayaa ahaa in waraysigaas lasii daayay bishii June balse kooxda ayaa intaas haysay iyadoo laba bilood uu dib u dhacay sida lagu sheegay wargeyska L’Equipe.

Waraysiga ayaa ah mid uu Kylian ku sheegayo in hammigiisa ugu weyni yahay inuu Champions League kula guuleysto Paris.

Aragtida Mbappe ayaa ah mid isbedeshay mudadaas waxaana uu waraysigan xoojinaya mustaqbaliisa PSG yahay mid kaliya sii xumaynaya xidhiidhka kala dhaxeeya madaxda kooxdiisa.

Kylian ayaa doonayay in la ogaysiiyo sida ay kooxdu suuqa u galayso suuqa xagaagan balse waxa gabi ahaanba laga qariyay qorshayaasha xagaaga oo aan wax xog ah laga siin.

Warkan ayaa ah mid kalsooni dheeri ah siinaya Real Madrid oo ah kooxda inta ugu badan lala xidhiidhinayo saxeexa Mbappe loona arko halka uu ku dambayn doono.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More