Kooxo Ka Dhisan Premier League, Bundesliga & Serie A Oo U

Arsenal, Hoffenheim, Leicester City iyo AS Roma ayaa noqday kooxihii ugu horeeyay ee u soo gudba wareega 32da ee Europa League.

Arsenal ayaa xaqiijisatay wareega xiga ee Europa League ka dib markii ay badiyeen kulankii afaraad ee Group B, Nicolas Pepe ayaa shabaqa soo taabtay bilowgii qeybta labaad ka hor inta uusan Reis Nelson shabaqa ku taabanin karoos uu soo dhigay Joe Willock ka hor inta uusan Folarin Balogun oo bedel ku soo galay uusan dhalinin goolkiisii ugu horeysay ee Gunners.

AS Roma ayaa iyadana u soo gudubtay wareega 32da markii ay 2-0 kaga badiyeen kooxda CFR Cluj.

Kooxda Leicester City ayaa iyadana si cajiib leh ku soo baxday ka dib markii ay seddex jeer ka soo kabsatay hogaanka oo laga qabtay kulan ay barbaro ku qabteen kooxda Benfica.

Jamie Vardy ayaa goolka barbaraha ee seddexaad u dhaliyay Leicester City daqiiqadii 95aad ee ciyaarta iyadoo kooxda Ingariiska ay u soo baxday wareega 32da.

Hoffenheim ayaa iyadana ka soo baxday Group L ka dib markii ay 2-0 kaga badiyeen kooxda Slovan Liberec oo marti loo ahaa.

Kulamada kale ee xiisaha lahaa ee la ciyaaray Europa League waxaa ka mid ah Tottenham oo 4-0 kaga badisay. Carlos Vinicius ayaa labo gool u dhaliyay qeybtii hore, waana goolashiisii ugu horeysay ee kooxda.

Halka Harry Winks uu noqday xiddigii ugu danbeeyay ee seddex ka mid ah afartii isbuuc ee ugu danbeysa gool ka soo dhaliya meel ku dhow kala bar garoonka iyadoo goolka afaraad uu saxiixa Lucas Moura.

Dhanka kale Lille ayaa barbaro 1-1 ku qabatay kooxda AC Milan kulan ka tirsan Group H.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More