Kooxda Uu Sergio Ramos Doonayo Inuu Ciyaaraha Kaga Fadhiisto

4

Madaxweynaha kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Florentino Perez ayaa muujiyey dareen ah inay rajo ka qabaan in kabtanka kooxdaas ee Sergio Ramos uu saxeexi doono heshiis cusub ka hor inta aanu dhamaanin qandaraaskiisa hadda ee bilaha kooban ka hadhsan yihiin.

Wakiillada Sergio Ramos ayaa la sheegay in waqtigan ay wada-hadallo kula jiraan kooxda ka dhisan caasimadda Madrid, si ay heshiis uga gaadhaan in waqtiga qandaraaska laacibkan la kordhiyo ka hor inta aanu dhamaanin heshiiskiisa waqtigani.

34 jirkan ayaa la sheegay inuu doonayo heshiis ugu yaraan laba sannadood ah, si uu sannadka 2023 uga fadhiisan karo ciyaaraha isagoo wali sii jooga Real Madrid.

Laakiin sharciga kooxda ayaa dhigaya in ciyaartoyda ay da’doodu ka weyn tahay 30 jir aan la siinin heshiis ka badan sannad, taas beddelkeedana marba hal sano loo saxeexo.

Kabtanka ayaa kasoo horjeeda inuu ogolaado in wax ka yar laba sannadood uu saxeexo, halka naadiguna ku adkaysanayo in 12 bilood uu saxeexo kaddibna mar labaad la kordhiyo qandaraaskiisa.

Inkasta oo uu Ramos doonayo inuu sii joogo Santiago Bernabeu oo uu ciyaaraha kaga fadhiisto, haddana haddii damaciisa ay u fulin weydo kooxdu waxa uu ka fiirsanayaa inuu aqbalo dalabka lacagta badan leh ee saddexda sannadood ah ee kooxda reer France ee PSG ay usoo bandhigtay.

PSG ayay wararku sheegayaan in Ramos ay ula diyaar tahay mushahar 18 milyan oo Euro ah sannadkii iyo saddex sannadood oo uu ka ciyaaro Parc des Prince.

Telefishanka El Chiringuito TV ayaa  baahiyey in Ramos aanu wali go’aan buuxa gaadhin, fursadaha oo dhanna uu kala xulanayo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More