Kooxaha Todobaadkan Xaqiijisan Kara U Soo Bixitaanka Wareega

Tartanka Champions League ayaa soo laabanaya ka dib seddex isbuuc uu hakad ku jiray iyadoo la gaarayo gabagabada wareega group-yada.

Seddex ka mid ah afarta kooxood ee Ingariiska iyo dhowr kooxood kale oo Yurub ayaa xaqiijisan kara u soo bixitaankooda wareega 16ka todobaadkan.

Sidaasi darteed yaa soo bixi kara, yaase hari kara isbuucaan?

Group E

Talaadada – Rennes v Chelsea, Krasnodar v Sevilla

Chelsea ayaa soo bixi karta habeenka Talaadada laakiin waxay u baahan yihiin inay Sevilla ugu yaraan barbaro la gasho Krasnodar.

Haddii kooxda Isbaanishka ay ku badiso Russia, Chelsea waa ay soo bixi doontaa haddii ay ka fogaato guuldarro ku soo gaarta France. Haddii Chelsea ay badiso, waxay u baahan yihiin kaliya inay Sevilla barbaro gasho. Haddii Krasnodar ay badiso markaas Chelsea waxay sugeysaa kulanka xiga.

Guulo ay gaaraan Chelsea iyo Sevilla waxay labaduba u soo saareysaa wareega 16ka, waxayna reebeysaa kooxaha Krasnodar iyo Rennes.

Group H

Talaadada – Manchester United v Istanbul Basaksehir, Paris St-Germain v RB Leipzig 

Group-kaan wuxuu ka mid ah labada group ee sida weyn la isagu dhow yahay.

Manchester United ma xaqiijisan karto booskeeda wareega 16ka todobaadkan. Madaama rikoodhka fool ka foolka ah uu ka sareeya farqiga goolahsa waxaa macquul ah inay galaan boos ka baxsan labada kaalimood ee ugu sareysa haddii ay mar kale guuldarro ka soo gaarto Basaksehir.

Group C

Arbaco – Olympiakos v Manchester City (17:55 GMT), Marseille v Porto

Manchester City waxay u soo gudbi doontaa wareega 16ka haddii ay ugu yaraan dhibic ka helaan kooxda Olympiakos kulanka ka dhacaya Athens Arbacada.

Marseille waa ay hari doontaa haddii ay guuldarro ka soo gaarto Porto.

Group D

Wednesday – Liverpool v Atalanta, Ajax v Midtjylland

Liverpool waxay u soo gudbi doontaa wareega 16ka haddii ay Anfield ku garaacaan kooxda Atalanta. Barbaro ayay ku soo bixi karaan haddii ay Ajax ka badin weyso Midtjylland.

Kooxda reer Denmark Midtjylland waa ay hari doontaa haddii laga badiyo.

Group G

Talaado – Dynamo Kyiv v Barcelona, Juventus v Ferencvaros

9 dhibcood – Barcelona, 6 dhibcood – Juventus, 1 dhibic – Dynamo Kyiv iyo Ferencvaros

Barcelona ayaa soo bixi doonta haddii ay badiyaan. Juventus ayaa kula biiri doonta wareega xiga haddii ay iyaguna badiyaan islamarkaana aan Barcelona laga badinin.

Barbaro ayay Barca ku soo bixi kartaa haddii aan Juventus laga badinin.

Ferencvaros iyo Dynamo Kyiv waxay u baahan yihiin inay wada badiyaan kulamada u haray si ay u soo baxaan.

Group F

Talaado – Borussia Dortmund v Club Bruges, Lazio v Zenit St Petersburg

6 dhibcood – Borussia Dortmund, 5 dhibcood – Lazio, 4 dhibcood – Club Bruges, 1 dhibic – Zenit St Petersburg

Ma jirto koox u soo bixi karta wareega 16ka todobaadkan, laakiin Zenit ayaa hari doonta haddii laga badiyo islamarkaana Borussia Dortmund ay badiso.

Group A

Arbaco – Atletico Madrid v Lokomotiv Moscow, Bayern Munich v Red Bull Salzburg 

9 dhibcood – Bayern Munich, 4 dhibcood – Atletico Madrid, 2 dhibcood – Lokomotiv Moscow, 1 dhibic – Salzburg

Bayern Munich waxay u soo bixi doontaa wareega 16ka haddii ay garaacaan Red Bull Salzburg. Waxay ku soo bixi karaa barbaro haddii ay Lokomotiv Mosco garaaci weyso Atletico Madrid.

Group B

Arbaco – Borussia Monchengladbach v Shakhtar Donetsk (17:55 GMT), Inter Milan v Real Madrid

5 dhibcood – Borussia Monchengladbach, 4 dhibcood – Shakhtar Donetsk iyo Real Madrid, 2 dhibcood – Inter Milan

Ma jirto koox u soo bixi karta wareega 16ka ama koox hari karta todobaadkan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More