Kooxaha Arsenal iyo Sevilla oo maamuusay xiddigoodi geeriyooday

(London) 30 luulyo 2022. Reyes, oo u soo ciyaaray labada naadi intii uu ku guda jiray xirfad ciyaareed oo soo jirtay in ka badan 20 sanno, ayaa ku geeriyooday shil baabuur sanadkii 2019 isaga oo 35 jir ah.

Kulankan oo ahaa kulankii ugu horeeyay ee ay labada dhinac ku kulmaan tan iyo markii uu dhacay shilkaasi, ayaa waxaa hal daqiiqo kahor inta aysan bilaaban ciyaarta sacab lavatory tumay Reyes, iyadoo sawirkiisa uu ka muuqday shaashaddaha waaweyn ee garroonka

Aabaha jose Antonio Reyes ayaa sidoo kale ku sugnaa garroonka ciyaarta ka dhacayday, oo ay Arsenal 6-0 kaga adkaatay kooxda reer Spain ee Sevilla.

Reyes waxa uu soo maray darajooyinkii da’yarta ee Sevilla waxa uuna u saftay 86 kulan ka hor inta uusan u dhaqaaqin kooxda ka dhisan waqooyiga London 2004tii.

Waxa uu ka mid ahaa kooxdii aan laga adkaan ee Arsenal 2004-tii.  Sidoo kale Reyes wuxuu u soo ciyaaray Real Madrid, Atletico Madrid iyo Benfica ka hor inta uusan ku laaban kooxdiisii carruurnimadda Sevilla 2012kii.

Isbaanishka ayay usuurtogashay inuu mar labaad uciyaaro seville asigoo saftay 157 kulan, xilli uu ka caawiyay kooxda inay ku guuleysato Europa League 2014, 2015 iyo 2016.

Reyes ayaa sidoo kale 21 jeer u saftay qarankiisa Spain, waxaana uu qeyb ka ahaa koobkii adduunka ee 2006dii.

Waxa uu xirfadiisa ku soo gabagabeeyay koox lagu magacaabo Cordoba.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More