Kooxaha Arsenal iyo Manchester City oo ka heshiiyay saxiixa

(London) 25 Juun 2022. Saraakiisha Arsenal ayaa heshiis rasmi ah la gaaray Manchester City si ay ula soo saxiixdaan weeraryahanka reer Brazil Gabriel Jesus inta lagu guda jiro suuqa xagaagan, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Gunners.

Suxufiga arrimaha suuqa aadka wax uga qora ee Fabrizio Romano ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray:

“Arsenal waxay heshiis la gaartay Manchester City 100%, inay Jesus kula soo wareegto 45 million pounds.”

Fabrizio Romano ayaa wuxuu hadalkiisa intaas ku sii daray:

“Si loo dhamaystiro heshiiska, Edu, agaasimaha farsamada ee Arsenal, wuxuu ka shaqeynayaa inuu kala heshiiyo Gabriel Jesus arrimaha ku saabsan shuruudaha shakhsiga ah ee qandaraaskiisa Isbuucan gudihiisa.”

Man City ayaa dhawaan la soo saxiixatay weeraryahanka reer Norway ee Erling Haaland kaas oo ay kala soo wareegeen Borussia Dortmund, taasoo albaabka u furtay bixitaankii Gabriel Jesus.

Si kastaba ha noqotee, ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Brazil ayaa ka qeyb galay 41 kulan oo uu la qaatay Manchester City, tartamada kala duwan ee xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay, isaga oo dhaliyay 13 , wuxuuna caawiyay 12 .

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More