Koox La’aan Ayuu Noqday Markii Uu Ku Guuleystay Euro 2020, Mana Jirto

Difaaca Talyaaniga ah ee Giorgio Chiellini oo ku jira fasax farxadbadan uu haysto oo uu ku naaloonayo guushii Euro 2020 ee uu waddankiisa la gaadhay, waxa dhinaca kale uu ku jira xaalad hubanti la’aan mustaqbal ah.

36 jirkan ayuu heshiiskiisii Juventus dhamaaday Khamiistii maanta ee July 15, mana jirto koox kale oo bannaanka ah oo soo dalbatay, hase yeeshee wakiilkiisa oo la hadlay warbaahinta Talyaaniga ayaa xaqiijiyey, inay Juve sugayaan oo ay la fadhiisan doonaan.

Laacibkan oo tan iyo 2004 u ciyaarayay Juventus ayaan wax dalab ah ka haysanin kooxdiisa, balse haddana lagama saarin meesha, in halka ugu habboon ee uu Chiellini ka ciyaari doono xilli ciyaareedka soo socda ay tahay Turin.

Davide Lippi oo ah wakiilka Chiellini oo la hadlay warbaahinta Talyaaniga ayaa yidhi: “Marka hore waa inuu iyaga [Juventus] dalabku ka yimaaddo. Maantadan aynu joogno, waxba kama hayno, laakiin waxa aanu ka sugaynaa wicitaan iyo in aanu la fadhiisano oo aanu la hadalno.

“Chiellini wuxuu ahaa calaamadda Juventus sannado badan, haddana waxa aanu sugaynaa koox kasta oo nala soo xidhiidha. Waa ciyaartoyga kaliya ee koox la’aanta ka ah xulka  qaranka Talyaaniga.”

Lippi waxa kale oo uu sheegay, in da’du aanay wax saamayn ah ku lahayn difaacan oo uu sii ciyaari karayo waqti badan, waxaanu yidhi: “Waxay ila tahay, in ay waalli noqon doonto haddii aanu Chiellini sii ciyaarin waqtigan. Waxa shidaal u ah samirkiisa iyo in uu ugu guuleystay Euro 2020 qaab xooggan.”

Dhinaca kale, Leonardo Bonucci ayaa isaguna sheegay, in uu Chiellini ku guubaabin doono in uu sii ciyaaro illaa Koobka Adduunka 2022, isla markaana aanu ka fadhiisanin ciyaaraha.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More