Klopp oo ka hadlay waxa uu ka filayo mustaqbalka Sadio Mane – FM

(Liverpool) 26 luulyo 2022. Tababaraha reer Germany iyo kooxda ee Jurgen Klopp, ayaa ka hadlay waxa uu ka filayo mustaqbalka ciyaaryahankiisii ​​hore, Sadio Mane, kaasoo dhawaan u wareegay Bayern Munich.

Mane ayaa soo afjaray waayihiisa ciyaareed ee Reds, isagoo doorbiday inuu u dhaqaaqo kooxda Bayern Munich si uu khibrad cusub ugu yeesho xirfadiisa ciyaareed oo ay ka buuxaan guulo.

Wargeyska Daily Mai ayaa shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay, tababaraha reer Germany iyo kooxda ee Jurgen Klopp, waxaana hadaladiisa ka mi ahaa:

“Mane waxa uu ciyaari doonaa wakhti dheer, waxa uu ciyaari karaa ilaa da’da 38 ama 39 jirka, marka loo eego xaaladiisa jir ahaaneed.”

“Bayern waxa ay haysataa ciyaaryahan weyn oo kooxdeena u soo ciyaarayay muddo 6 sano ah, taasi waa wax fiican, waxana ay muujisay in kala iibsiga noocan ahi uu dhici karo.”

“Dhacdadaas waxaan u isticmaali doonaa tusaale mustaqbalka, mararka qaarkood xiriirada waxaa jira isbeddello loo baahan yahay.”

“Arrinka Sadio Mane wuxuu doonayay inuu baxo, anagana waxaan sameynay fal-celin dhab ah, waxaan isku daynay in aan arrinta uga miradhalino sida ugu fiican, waana soo dhaweynayaa xaallada xitaa haddii aan lumineyno.”

Mane ayaa u soo ciyaaray Liverpool intii u dhaxaysay 2016 iyo 2022, wuxuuna mudadaas u ciyaaray 269 kulan tartamada oo dhan isaga oo u dhaliyay 120 , wuxuuna caawiyay 48 kale.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More