Khabiirkii Arsenal U Keenay Cesc Fabregas, Iskuna Dayey Inuu

Khabiirkii Arsenal u keeni jiray ciyaartoyda da’da yar ee Francis Cagigao oo bishii September ka tegay Gunners kaddib muddo 24 sannadood ah oo uu joogay ayaa sheegay in Thomas Partey oo ka mid ahaa ciyaartoydii uu iyaga oo yaryar soo helay uu Arsenal ka caawin doono inay horyaalka si dhab ah ugu tartanto.

Francis Cagigao ayay ishiisu qabatay Thomas Pargey lix sannadood ka hor isaga oo waqtigaas ku sugnaa kooxda ALmeria oo amaah kaga qaadatay Atletico Madrid, waxaanu ku fikiray sidii uu ula saxeexan lahaa ee uu u geyn lahaa Emirates Stadium.

Cagigao oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu daboolka ka qaaday in Arsenal ay hore u damacday saxeexa Thomas Partey, waxaanu yidhi: “Waa ciyaartoy aanu la soconay waqti dheer oo si xooggan aan uga talobixinayay sannadihii ugu dambeeyey.

“Lix sannadood ka hor ayaan daawaday isaga oo u ciyaaraya Almeria oo amaah kaga soo qaadatay Atletico Madrid, waxaanu ahaa ciyaartoy gool illaa gool ah oo xataa weerarka ka qayb-qaadanaya.

“Waxay ila tahay inaynu arki doono jallaafooyinkiisa sababtii ah, waxa uu ahaa ciyaartoy aad ugu ad-adag khadka dhexe ee Atletico. Waxa uu noqon karaa qurubkii ugu dambeeyey ee Arsenal ka dhigi lahaa mid u tartanta horyaalka.”

Francis Cagigao waxa kale oo uu ka hadlay saxeexyadii uu Arsenal u keenay ee qaybta ka ahaa xiddigihii lagu naanaysay ‘Invincibles’ ee iyagoon hal mar laga badinin horyaalka Premier League ku guuleystay sannadkii 2003, sida Lauren iyo Cesc Fabregas. Sidoo kale waxa uu soo qaaday labada saxeex ee Arsenal samaysay ee reer Brazil ee Gabriel Magalhaes oo ay xagaagan lasoo wareegeen kana ciyaara difaaca iyo Gabriel Martinelli oo weerarka ah.

Labadan ciyaartoy ee reer Brazil oo lagu daray Thomas Partey iyo sida Arsenal u hubaysan tahay ayuu tilmaamay inay noqon karayso koox mar kale fagaareyaasha ku hirdanta oo Premier League kula loollami doonta Manchester City iyo Liverpool oo saddexdii sannadood ee ugu dambeeyey uu koobku u dhaxeeyey.

Si kastaba, Thomas Partey ayaa kulankiisii ugu horreeyey u safan doona Arsenal maalinta Sabtida oo ay Manchester City ugu tegayaan Etihad Stadium, waxaanay indhuhu hayn doonaan bandhig ciyaareedka uu la yimaaddo, halka Gabriel Magalhaes uu kulankiisii ugu horreeyey ee uu Arsenal u saftay bilowgii xili ciyaareedka uu dhaliyey gool, loona doortay xiddigii garoonka isaga oo waliba difaac ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More