Karim Benzema ayaa la horkeenay sharciga

Weeraryahanka kooxda Real Madrid Karim Benzema ayaa la soo taagi doonaa maxkamad la xiriirta fadeexadii ka dhacday Mathieu Valbuena.

Kiiskan oo dhacay sanadkii 2015-kii, ayaa waxa uu lumiyay fursad uu Benzema ugu ciyaari lahaa xulka qaranka, oo markii ugu dambeysay uu ciyaaray sanadkaas.

Benzema ayaa beeniyay inuu wax lug ah ku lahaa dhacdadan, laakiin wuxuu horey u qirtay in laba qof ay la soo xiriireen, waxayna u sheegeen inay hayaan fiidiyoow Valbuena oo galmo sameynaya isla markaana dalbanaya lacag si looga hortago inuu faafo .

Karim Benzema ayaa dhacdada ku wargaliyay Valbuena, oo ay saaxiibo dhow yihiin, laakiin ciyaaryahanka ayaa la xiriiray booliska wuxuuna ku booriyay Benzema inuu ku hoydo saldhigga booliska.

33 jirkaan ayaa horey ugu eedeeyay booliska in aysan daacad ka aheyn dadaalka uu ugu jiro inuu caawiyo saaxiibkiis waxaana hada lagu eedeeyay dambi uusan shaqo ku laheyn.

Xafiiska dacwad oogaha Faransiiska ayaa Khamiistii shaaciyay in Benzema la soo xiri doono oo la taagi doono maxkamada, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee AFP.

Garyaqaanka Benzema ayaa waxaa la soo xiriiray wakaalada wararka ee AFP wuxuuna u sheegay inuu aad ula yaabay xukunka isla markaana xukunka uu yahay mid lala yaabo.

Benzema wali wax dambi ah laguma helin, halka Valbuena oo 36 jir ah uu tuhunsan yahay in saaxiibkiis uu ku lug lahaa fadeexada wuxuuna tuhunsan yahay in weeraryahanka Real Madrid uu la shaqeynayay burcadda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More