#Ka Bogo Macluumadka Falanqeynta Kulanka Horyaalka Ingiriska Ee Leicester City VS Chelsea

8,014

kooxda Chelsea oo horey u xaqiijisay booskeeda tartanka Champions league ayaa markan booqaneysa Kooxda Leicester City oo dooneysa in ay Chelsea ay badiyaan labada is arag ee horyaalka.

Maxaa ka cusub labada Koox ka hor kulanka :

Labada ciyaaryahan ee Leicester Danny Simpson iyo Shinji Okazaki ayaa laga yaabaa inay saftaan kulanka axada, madaama uu dhamaanayo qandaraaskooda kooxda, islamarkaana ay ka tegi doona kooxda xagaagaan.

Xidigaha kala ah Matty James iyo Daniel Amartey ayaa weli ku maqan dhibaatooyin dhaawacyo ah.

Geesta kale Daafaca Chelsea Andreas Christensen ayaa shaki uu ku jiraa ka dib markii uu seegay kulankii semi-finalka Europa League ee Eintracht Frankfurt habeenimadii khamiista.

Ruben Loftus-Cheek ayaa diyaar u noqon kara kulakan kaddib markii uu dhaawac fudud ka soo gaaray kulankii Europa League.

Ogeysiiska Ciyaarta :

Kulanka : Leicester City VS Chelsea? ( Premier league)

Goobta : King Power Stadium

Goorta : 5 :00 oo Galabnimo

Garsoorka : Anthony Taylor

Rikoorada u diwaansan kulan ciyaareedka labadan koox ka hor inta aan la baasan ciyaarta :

Leicester ayaa 1-0 ku garaacday Chelsea kulankii koowaad ee horyaalka waxa ayna raadinayaa in markii ugu horeysay ay Bules ka badiyaan labada lug ee horyaalka tan iyo 2000-01.

Chelsea ayaa badisay lix ka mid ah 7dii kulan ee ay booqdeen tartamada oo dhan garoonka King Power Stadium, iyadoo lagu darayo guuldaradii 1-2 ee Leicester ay gaarsiiyeen xilli ciyaareedkii 2015-16 markaas oo ay ku guuleysateen horyaalka.

Kani waa is aragoodii 100-aad ee kooxahan aya wada kulmayaan, kooxda Chelsea ayaa badisay 46 kulan halka Kooxda Leicester City ay badisay 25.

Brendan Rodgers oo ah macalinka kooxda lagu naaneeso ( Dawacooyinka) ayaa 11 jeer ka hor yimid Kooxda Chelsea hal marna kama uusan badinin kulamadaas ( 5 bar-baro iyo 6 qasaaro).

Chelsea ayaa gaari karta guusheedii 9-aad oo xiriir ah iyada oo ah marti misane shabaqooda gool aan ka ilaashan markii ugu horeysay tan iyo bishii February 2001

Safafka macquulka ah ee labada dhinac ka hor kulanka :

 

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More