Juve Oo Doonaysa Van De Beek, Man United Oo Aan Ka Quusanin

Maalin wanaagsan akhristayaasheena sharafta leh meel kasta oo aad dunida ka joogtaan. Suuqii iibka ciyaartoyda ee xagaagii waxa uu xidhmay horraanta bishii October, waxaana dhowaan la sugayaa inuu furmo suuqa waqtiga jiilaalka ee bisha January oo muddo kooban ay kooxuhu u heli doonaan inay kaga soo faa’iidaystaan.

Kooxaha dhaawacyadu ragaadiyeen amaba doonaya inay helaan xiddigo ka caawiya xallinta dhibaatooyinkii ay soo arkeen qaybta hore ee xili ciyaareedka ayaa suuqa geli doona, sidoo kalena ciyaartooyo heshiisyada kooxahoodu dhamaad yihiin ayaa la kala jiidan doonaa oo lala soo wareegi doonaa, halka qaarkoodna heshiisyo hordhac ah lala sii gaadhi doono.

Sidii aad horeba nooga barateen, waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa si joogto ah, wararkii ugu dambeeyey suuqa iibka ciyaartoyda ee ay qoreen wargeysyada waaweyn ee Yurub iyo xanta hoose ee aan wali bannaanka usoo bixin ee sida sirta ah ay jaraa’idku uga heleen kooxaha ee la xidhiidha suuqa.

Haddaba, waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa wararkii ay saaka oo Jimce ah qoreen wargeysyada waaweyn, waxaana xuquuqda wararkan iska leh isla wargeysyada aanu kasoo xiganay oo aanu magacooda war walba ku hor qornay.

Musharaxa Madaxweynaha Barcelona ee Emili Rousaud ayaa sheegay, in haddii uu la doorto uu laba ciyaartoy oo waaweyn keeni doono, midkoodna yahay Neymar oo 28 jir ah oo uu soo celin doono. (Marca)

Lyon ayaa kaydka ku qabatay bartilmaameedka Arsenal ee Houssem Aouar Axaddii kaddib markii uu diiday inuu tababarka iskululayn sameeyo xilli la doonayay in beddel lagu soo geliyo kulankii Reims. Gebi ahaanba wuxuu ahaa beddel aan la isticmaalin ciyaaartii Angers. (L’Equipe)

Manchester United wali kama rajo dhigin inay lasoo saxeexato xiddiga Barcelona ee Ousmane Dembele waxaanay isku dayi doonaan inay qaab amaah ah kula soo wareegto 23 jirkan. (Sport)

Juventus waxay dusha kala socotaa laacibka Manchester United ay xagaagii lasoo wareegtay ee Donny van de Beek oo xaalad aanu filaynin ugu tegay Old Trafford, isla markaana ka waayey boos joogto ah iyo xataa inuu beddel fiican noqdo tan iyo bilowgii xili ciyaareedka. (Calciomercato)

Agaasimaha Borussia Dortmund ee Michael Zorc ayaa u arka weeraryahanka reer Norway ee Erling Braut Haaland inuu sii joogi doono waqti dheer inkasta oo 20 jirkan lala xidhiidhinayo Real Madrid. (Goal)

Chelsea waxay ka fiirsanaysaa inay u dhaqaaqdo difaaca dhexe ee Atletico Madrid iyo xulka qaranka Uruguay ee Jose Gimenez oo 25 jir ah. (Sun)

Tottenham ayaa dhexda u xidhanaysa sidii ay Leicester City ugala soo saxeexan lahayd laacibka garabka weerarka uga ciyaara ee Demarai Gary oo 24 jir ah, waxaanay ku doonayaan qaab xor ah. (Express)

Liverpool ayaa bisha January heli karta £30 milyan oo Gini haddii ay go’aansato inay iibiso laacibka khadka dhexe ee reer Switzerland ee Xherdan Shaqiri oo 29 jir ah iyo weeraryahanka reer Belgium ee Divock Origi oo 25 jir ah. (Express)

Barcelona waxay doonaysaa inay Liverpool ka dalbato xiddiga reer Senegal ee Sadio Mane oo 28 jir ah ama Gini Wijnaldum oo 30 jir ah kaddib markii uu dhacay heshiiskii Philippe Coutinho ee Liverpool ay lacagta kaga heli jirtay Barca. Haddii Barca ay doonayso laacib Liverpool ah, waxay bixin doontaa £89 milyan oo Gini. (Star)

Goolhayaha Talyaaniga ah ee Gianluigi Donnarumma oo 21 jir ah ayaa qarka u saaran inuu heshiis cusub u saxeexo AC Milan. (Calciomercato)

Manchester United waxay heshiis cusub u bandhigtay difaaca 22 jirka ah ee Timothy Fosu-Mensah oo qandaraaskiisu ku egyahay dhamaadka xili ciyaareedkan. (MEN)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More