Jurgen Klopp wuxuu sharxayaa sida kooxdiisa loo abaabulay

Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday in kooxdiisu ay si adag isugu diyaarin doonto kulanka ay Axada dambe la ciyaari doonto kooxda Man United.

Liverpool ayaa xalay u gudubtay wareega afaraad ee FA Cup ka dib markii ay 4-1 kaga badiyeen 18 jirka Aston Villa.

Kadib kulanka FA-ga ee ay la ciyaarayaan Aston Villa, Liverpool ayaa dareenkeeda u jeedin doonta kulanka go, aanka leh ee ay la ciyaari doonto kooxda Man United oo isku dhibco yihiin.

Red Devils ayaa si lama filaan ah hogaanka ugu qabatay Liverpool waxaana laga yaabaa inay seddex dhibcood ka sarreeyaan Liveprool haddii ay guuleystaan ​​kulanka Talaadada ee Burnley, maxaa yeelay kulankaan wuxuu ahaa ku celis.

Laakiin Liverpool ayaa heysata sagaal maalmood oo ay isugu diyaariso kulanka Manchester United, waxaana ay sameyn doonaan tababar adag, sida uu sheegay Klopp.

“Waxaan sameyn doonaa wax badan oo tababarka ah, waxaan qarashgareyn doonaa 11 ka hor 11, sababtoo ah waxay muhiim u tahay ciyaartoyda kubada cagta, laakiin inta badan ma sameyno.” Ayuu yidhi Klopp.

Klopp oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Waxaan haysanaa waqti waana isticmaalnaa.”

Liverpool ayaan seddex kulan oo isku xigta badinin Premier League, laakiin waxa ay ku dhamaatay guuldarro ka soo gaartay Southampton taasoo keentay inay hogaanka u qabtaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More