Jose Mourinho Oo Magacaabay Halka Ay Manchester United Kaga

Tababaraha Tottenham ee Jose Mourinho ayaa ka hadlay in kooxdiisii hore ee Manchester United ay kasoo hadhay tartanka Champions League, isla markaana ay kula soo biirtay Europa League oo ay ka wada ciyaari doonaan.

Tottenham ayaa xili ciyaareedkan ka mid ah kooxaha ka dheelaya Europa League, waxaanay safka hore kaga jirtay naadiyada loo saadaalinayo inan hanan doonaan koobka iyadoo laga duulayay awooddeeda xili ciyaareedkan, laakiin Jose Mourinho ayaa tilmaamay in Manchester United oo tartankan kula soo biirtay ay ka mid tahay kooxaha safka hore kaga jira saadaasha Koobka.

Manchester United ayaa Salaasadii laga soo cidhib-tiray tartanka Champions League, waxaana 3-2 kusoo garaacday RB Leipzig oo u dirtay inay heerka labaad ee Europa League qayb ka noqoto.

Wareegga 16-ka ayay ka mid noqon doontaa kooxaha loo samayn doono qori-tuurka ee waliba lagu daba-fayli doono, iyadoo booskaas oo kalena ay ku jirto Tottenham, halka Arsenal ay iyaduna ku jirno naadiyada ay ku xafiiltami doonaan tartankan.

Ole Gunnar Solskjaer ayay kooxdiisa u ahayd niyad-jab weyn in aanay kasoo muuqanayn Champions League, balse waxay fursad u arkaan inay ku guuleysan karaan Europa League.

Jose Mourinho oo Manchester United u qaaday Europa League ka hor intii aan la caydhin ee aan lagu beddelin Solskjaer ayaa rumaysan in Red Devils ay noqonayso kooxaha koobka qaadan doona ee safka hore kaga jira saadaasha.

“Dabcan, hadda Manchester United ayaa noqonaysa mid ka mid ah kooxaha ugu sarreeya ee ku guuleysan kara tartankan. Kooxaha hoos usoo dhacay mar walba waa naadiyo xooggan, waana kooxo mar walba ka sarreeya heerka tartanka Europa League.” Ayuu yidhi Jose Mourinho.

Tababaraha reer Portugal oo ka hadlayay shir jaraa’id ayaa intaa ku daray: “Manchester United waxay ka mid tahay kooxaha ugu sarreeya. Laakiin Group-ka ay ku jireen ayaa aad u adkaa, PSG, Manchester United iyo Leipzig, aad ayuu u adkaa.

“Dhamaanteen waynu ogeyn in aanay midkoodna u noqon doonin mid fudud, dhamaanteen waynu ogeyn in koox weyn ay kusoo dhacayso Europa League.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More