Jordan Henderson Oo Koox Lama Filaan Ah Kusii Jeeda & Xiddiga Ka

Kabtanka Liverpool ee Jordan Henderson ayaa si lama filaan ah uga soo muuqday suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagan, kaddib markii ay istaageen wada-hadallo u socday kooxdiisa oo qandaraaska loogu kordhin lahaa.

31 jirkan oo tobankii sannadood ee ugu dambeeyey u ciyaarayay Liverpool oo uu tiir muhiim ah u ahaa ayay burbureen wada-xaajoodyo heshiis kordhin ahaa oo u dhexeeyey kooxdiisa, waxaanay Liverpool ka fiirsanaysaa in ay iibiso ka hor inta aanu dhamaanin qandaraaskiisu si aanu qaab bilaash ah ugu bixin.

Inkasta oo 24 bilood ka hadhsan yihiin heshiiska uu hadda kula jiro Liverpool, haddana waxay warbaahinta Ingiriisku sheegtay in uu laacibkani diiddan yahay inuu wax isbeddel ah ku sameeyo heshiiskaas oo ay kooxduna doonayso in uu kordhiyo, taas oo ka dhigan in uu Jordan Henderson qorshaystay inuu ka tago Anfield Stadium.

Jordan Henderson oo 392 ciyaarood u saftay Liverpool muddadii tobanka sannadood ahayd ee uu joogay, kana mid ah xiddigaha khadka dhexe ee ugu shaqada badanaa xilli ciyaareedyadii ugu dambeeyey, waxa warkiisu uu indhaha kusoo jeediyey Liverpool xilli ay jirto dhaqaale xumo ba’an.

Sida uu qoray wargeyska The Athletic ee kasoo baxa UK, xaaladda Henderson ayaa waxa ka faa’iidaysanaysa Atletico Madrid oo uu ku sugan yahay Luis Suarez oo ay saaxiibtinimo dhowi ka dhaxayso, kaas oo ka shaqaynaya sidii ay mar kale u midoobi lahaayeen.

Xidhiidhka saaxiibtinimo ee Luis Suarez iyo Henderson ayaan marnaba nusqaamin inkasta oo ay laba waddan iyo laba kooxood oo kala fog oo garoomada ku dagaallamay u kala ciyaarayeen.

Diego Simeone oo urursaday ciyaartooyo hibo leh oo khadka dhexe ah, kuwaas oo adkaysi iyo shaqo badnaan lagu bartay ayaa isaguna u gacan-haadinaya Henderson, isagoo rumaysan in laacibkan reer England uu yahay nooca ciyaartoyda ee uu ka helo.

Si kastaba, Liverpool iyo Jordan Henderson midkoodna war rasmi ah kama soo saarin wararkan sheegaya in uu kabtanka Reds ka tegayo Anfield iyo waliba xiisaha ka imanaya Atletico Madrid.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More