Joachim Low Oo Shaqadiisu Halis Ku Jirto, Kroos Oo Is Xajin

1

Xulka qaranka Germany ayaa bahdilaad 6-0 ah la kulmay xalay, waxaana si xun u xasuuqay Spain oo ka riixday booska kaalinta koowaad kaga soo baxaya Hormadooda League A4 ee  ka mid noqonaya afarta ugu dambaysa.

Toni Kroos waxa uu guul-darradan ku tilmaamay mid ka mid ah kuwii ugu xumaa ee abid soo maray taariikhda waddankaas, laakiin tababare Joachim Low oo xalayba ay bilaabatay in shaqada laga caydhinayo, ayaa isaguna ku sifeeyey in xataa aanu garanayn wixii dhacay.

Guul-darradan oo ah tii ugu xumayd muddo 89 sannadood ee dalkaas soo gaadha, waxa Joachim Low oo ka hadlay uu yidhi: “Anigu ma garanayo waxa ku dhacay kooxda. Waxa nagu adkaaday fursadihii. Xataa kumaanaan guuleysanin hal dagaal oo garoonka dhexdiisa ah… maalin madow ayay noo ahayd annaga.

“Qaybtii dambe, waxaanu isku daynay inaanu cadaadis saarno oo aanu ciyaarta dib usoo celino, laakiin Spain ayaa naga ciyaar wanaagsanayd, way naga dheeraynayeen, waxaanay u ciyaarayeen si naga sarraysa.”

In Germany lagaga badiyo 6-0, waxa ugu dammbaysay sannadkii 1931kii oo ciyaar saaxiibtinimo oo waddanka Austria ay iskaga hor yimaaddeen lagu garaacay 6-0. Laakiin sannadkii 1954kii ayuu waddanka Hungry 8-3 ku karbaashay Galbeedka Germny wareeggii group-yada ee Koobka Adduunka ka hor intii aanu Galbeedka Jarmalku iska soo xaadirin finalka ee aanu waliba koobka ka qaadin isla waddanka sida xun u garaacay.

Laacibka khadka dhexe uga ciyaara Jarmalka iyo Bayern Munich ee Serge Gnabry ayaa isaguna ka hadlay guul-darradan, waxaanu sheegay in ay lumiyeen maamulka ciyaarta, isla markaana ay u qalmayeen in laga badiyo.

“Waxba way noo shaqayn waayeen. Maanaan maamuli karayn iyaga, wayna u qalmayeen inay naga badiyaan. Spain wax walba way samaysay, annaguna waxba maanu samayn.” Ayuu yidhi Gnabry oo intaa ku daray: “Maaha wax caadi ah in goolashada sidaa u badan lanagaga badiyo.”

Kubbad-sameeyaha khadka dhexe ee Toni Kroos ayaa isaguna dhawr erey kusoo koobay dareenkiisa kulanka, waxaanu yidhi: “Dhab ahaantii tani waa mid ka mid ah guul-darrooyinkii ugu xumaa xirfaddayda. Way i dhaawacaysaa.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More