Jamaahiirta Chelsea Oo Eden Hazard Ugu Baaqay In Uu Ka Soo

Kadib markii ay kooxda Real Madrid si rasmi a ugu dhawaaqday in Eden Hazard uu dhaawac cusubi soo gaadhay isla markaana uu muddo ilaa bil ah garoomada ka maqnaan doono ayay jamaahiirta Chelsea bilaabeen in ay Hazard ugu baaqaan in uu kooxdiisii hore ku soo laabto.

- Advertisement -

Eden Hazard ayaa qaab xun kaga baxay kooxdii uu xidiga heerka caalami ah ku noqday ee Chelsea laakiin ilaa hadda waxa uu la kulmayaa murugo badan oo haddaba heer xun sii gaadhaysa.

War rasmi ah oo ay Real madrid ka soo saartay dhaawaca Hazard ayaa lagu yidhi: “Kadib baadhitaanadii maanta ee uu adeega caafimaadka Real madrid ku sameeyay ciyaartoygeena Eden Hazard waxaa laga daaweeyay dhaawac lugta midig ah. Soo kabsashadiisa waa la qiimayn doonaa”.

Laakiin jamaahiirta Chelsea ayaa Hazard ugu baaqay in uu soo laabato kadib xaalada xun ee uu xidiga reer Belgium ku jiro .

Taageere Chelsea ah ayaa markii uu dhaawaca cusub ee Hazard soo baxay dareenkiisa ku cabiray: “Eden Hazard waxaa waajib ku ah in uu guriga ku soo laabto, Chelsea ayaa gurigiisa ah. Waxaan ka murugaysanahay in aan arko isaga oo dhaawacyo ku seegaya kulamada, saaxiib soo bogsasho fiican oo deg deg ah”.

taageere kale ayaa isna soo qoray: “Boqor gurigaaga ku soo laabo” waxa uu taageere kale oo isla kooxda Chelsea ahi sii raaciyay: “Hazard sabab la’aan looguma yeedhin Mr Chelsea, Real Madrid isaga gacan kaliya ayay ku isaga ku dilaysaa-ku soo laabo guriga”.

Taageere kale oo Chelsea ah ayaa soo qoray: “Waan necbahay Real madrid, waan necbahay La Liga, waan necbahay wax walba oo sabab u noqday in Hazard uu sharaabkiisii waayay-kaliya isaga dib ugu soo celiya Brigde”.

Fariimo badan oo kale ayay taageerayaasha kooxda Chelsea ku muujiyeen sida ay uga xun yihiin murugada aan kala joogsiga lahayn ee Hazard ku haysata kooxda Madrid waxayna ugu baaqeen in uu kooxdiisii hore ku soo laabto.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More