Jaap Stam oo Man United uga digay mutaqbalka Cristiano Ronaldo –

(Manchester) 27 luulyo 2022. Halyeyga Manchester United ee Jaap Stam ayaa maamulka kooxda ku amray masiirka xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo.

37-sano jirkaan ayaa shalay wada hadalo la yeeshay maamulka Man United, si bathroom xaliyo mustaqbalkiisa, maadaama uu weli doonayo inuu ka tago kooxda, halka Red Devils ay dooneyso inuu sii joogo.

Sida laga soo xigtay wargeyska Metro ee dalka England, halyeyga Manchester United ee Jaap Stam, ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay:

“Ma doonaysid inaad isla markiiba jahwareer badan ku qabtid kooxda dhexdeeda, gaar ahaan marka aad tahay tababare cusub.”

“Erik ten Hag waxa uu la shaqeynayaa mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican adduunka (Ronaldo), waxa uu soo bandhigay qaab ciyaareed fiican, xilli ciyaareedkii hore waxa uu dhaliyay al badan.”

“Waxaan rajeynayaa in Ronaldo uu sii joogi doono, sababtoo ah waxa aan filayaa in uu aad muhiim ugu noqon karo kooxda, waxaan filayaa in uu wali yahay mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican kooxda.”

“Waxaan u malaynayaa in Ten Hag uu kala hadlay xilli ciyaareedka cusub, ma garanayo sida saxda ah waxa dhacay, laakiin waxa ay u muuqataa in Ronaldo uu doonayo in uu ka tago oo uu meel kale ka ciyaaro xilli ciyaareedka soo socda, taas oo aan filayo in ay ceeb tahay.”

“Haddii ciyaaryahanku uu sheego inuu doonayo inuu baxo, inkastoo ay aad ugu adag tahay tababaraha iyo kooxda iyo gaar ahaan taageerayaasha, markaa looma baahna in xaaladdu ay sii socoto muddo dheer.”

“Man United waxay u baahan tahay inay go’aan ka gaadho koox ahaan, oo ay raadiso qaabkii ay ula macaamili lahayd bixitaanka Cristiano, tababaraha waxa uu u baahan yahay inuu dhiso kooxdiisa oo uu fahmo cidda uu la shaqayn doono.”

“Marka aad haysato ciyaaryahan doonayay inuu baxo xagaagan oo dhan, oo aan ka qayb qaadanin xilliga isku diyaarinta, tani waxay dhibaato ku abuuri doontaa Man United.”

“Waan fahmi karaa in la’aanta weeraryahan cusub, Man United aysan dooneyn inay lumiyaan Ronaldo, sababtoo ah weli wuxuu noqon karaa ciyaaryahan muhiim u ah kooxda.”

“Waxaan u maleynayaa inay ceeb tahay inuu doonayo inuu baxo, sababtoo ah waxaan jeclaan lahaa inaan ku arko kooxda Ten Hag ee xilli ciyaareedkan, laakiin uma maleynayo inay taasi dhici doonto.”

Xiddiga reer Portugal ayaa lala xiriirinayaa kooxo dhowr ah, sida Atletico Madrid, Bayern Munich iyo Chelsea, laakiin kooxahan ayaa ku dhawaaqay in aysan xiiseyneynin qandaraaskiisa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More