Iska Ilow N’Golo Kante & Jorginho – Labada Xiddig Ee Ugu Saamaynta

Difaacii hore ee xulka qaranka England iyo Chelsea ee Wayne Bridge ayaa amaan u jeediyey laba ka mid ah ciyaartoyda Blues oo uu sheegay in ay xilli ciyaareedkan soo bandhigeen ciyaar heerkeedu sarreeyo, isla markaana ay yihiin kuwa ugu saamaynta badan kooxda.

Chelsea ayaa qaab ciyaareed cajiib ah lasoo baxday intii uu tababarenimada la wareegay Thomas Tuchel oo bishii January beddelay Frank Lampard, waxaanay illaa waqtigaas kooxdu soo bandhigaysay ciyaar sarraysa iyo guulo xidhiidh ah.

Markii uu Tuchel yimid, waxay Chelsea ku jirtay kaalinta sagaalaad iyagoo rajo la’aan ka ahaa inay xataa kasoo muuqdaan Champions League xilli ciyaareedka dambe, laakiin hadda waxay taagan yihiin kaalinta saddexaad iyagoo sidoo kalena taagan finalada Champions League iyo FA Cup.

Tababaraha reer Germany ayaa isku-dubba-riday kooxda, waxaanu ka dhigay midda ugu adag, iyagoo laba jeer garaacay Manchester Metropolis laba usbuuc gudahood, finalka Champions League na kula ballansan.

Difaacii hore ee England ee Wayne Bridge ayaa amaan kula dul-dhacay laba ka mid ah ciyaartoyda sababta u ah guulaha Chelsea ee kasoo bilowday bishii January, kuwaas oo uu ku tilmaamay kuwa ugu fiicnaa Blues xilli ciyaareedkan.

Thiago Silva oo Chelsea si bilaash ah ugu soo wareegay xagaagii markii uu kasoo dhamaaday heshiiskiisii Paris Saint-Germain ayaa difaaca kooxda kusoo kordhiyey khibrad iyo tayo cajiib ah, taas oo keentay in 15 ciyaarood oo horyaalka Premier League ah ay shabaqooda ilaashadaan 11 ka mid ah.

Wayne Bridge waxa uu tilmaamay in Silva uu kooxda kusoo kordhiyey niyaddii, khibraddii iyo xeeladdii ka maqnayd, taasina ka dhigtay kooxda ugu difaaca  adag.

Laacibka labaad ee uu Wayne Bridge ku tilmaamay inuu saamaynta badan yahay ayaa ah Mason Mount oo khadka dhexe ka ciyaaara, isla markaana habeeya kubbadaha kooxda isagoo ah biriijka xidhiidhiya dhexda  dambe iyo weerarka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More