‘Iska Haysta Zouma Oo Keena…’ Sevilla Oo Ku Wargelisay Chelsea Sida

Kooxda kubadda cagta Sevilla ayaa jawaab cad siisay Chelsea oo ka doonaysa difaaca da’da yar ee Faransiiska ah ee Jules Kounde, kaas oo tababare Thomas Tuchel uu doonayo in uu la soo saxeexdo inta aanu xidhmin suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagan, si uu iskugu xoojiyo xilli ciyaareedka.

Chelsea ayaa u dhaqaaqday saxeexa Jules Kounde xilli ay muuqato in aanay helaynin ciyaaryahannadii bartilmaameedka u ahaa ee afka hore ee weerarka sida Erling Braut Haaland iyo Robert Lewandowski, waxaanay hadda u jeedsatay in ay sii xoojiso safkeeda difaaca.

Blues ayaa maalmihii ugu dambeeyey wada-hadallo kula jirtay Sevilla oo ay kala xaajoonaysay saxeexa Jules Kounde, waxaanay u bandhigtay Kurt Zouma si lacagtiisu hoos ugu dhacdo oo uu qayb uga noqdo iibka.

Kounde oo 22 jir ah ayaa waxa heshiiska uu kula jiro Sevilla ku jiray qodob cayimaya lacagta lagu burburin karayo qandaraaskiisa oo ah €80 milyan oo Euro, waxaanay Sevilla ku adkaysanaysaa in haddiiba ay Chelsea doonayso heshiiska laacibkan, in ay la timaaddo lacagtaas oo dhamaystiran.

Warka ayaa sheegay in Sevilla ay ku wargelisay Chelsea in sida kaliya ee uu Jules Kounde uu kaga tegi karayo Estadio Ramon Sanchez Pizjuan ay tahay in ay bixiyaan €80  milyan oo Euro oo u dhiganta £68 milyan oo Gini ama $95 milyan oo dollar.

Qorshihii Chelsea ee ahaa in Kurt Zouma uu tago Sevilla, ayna ku darto €45 milyan oo Euro ayay jawaabta Sevilla si cad uga hor imanaysaa, waxaanay ka dhigan tahay in Blues ay la timaaddo lacag kaliya ayna iska haystaan Zouma.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More