Isbarbar dhig: Luis Suarez wuxuu heystaa afar xiddig

Weeraryahanka kooxda Barcelona ee Luis Suarez oo xagaagii hore Barcelona kaga soo biiray kooxda Atletico Madrid ayaa wali sii hogaaminaya hogaanka horyaalka isaga oo leh 2 dhibcood 2 kulanna harsan yihiin.

Qof walba wuxuu filayay Diego Simoene inuu Suarez galiyo booska ugu fiican, laakiin inbadan ma aysan fileynin la qabsi deg deg ah iyo saameyn balaaran.

Suarez waa tartan ruuxi ah isla markaana dilaa ah diilinta ganaaxa, laakiin hadafkiisa La Liga ee xilli ciyaareedkan ayaa dhaafay rajadii laga qabay.

Kulankiisii ​​ugu horreeyay ee Atletico Madrid ee La Liga 27 Sebtember 2020 wuxuu ahaa fariin cad oo leh labo gool iyo caawin 21 daqiiqo oo kaliya.

Suarez ayaa haatan ah gooldhaliyaha ugu sareeya La Liga isagoo leh 9 gool ka dib 11 uu ku soo bilowday, waxaana uu durbaba ku sugan yahay wadnaha weerarka Rojiblanco.

Hadda waxaa la joogaa waqtigii la isbarbar dhigi lahaa lambarkiisa iyo ciyaartoydii uu ku beddelay Barcelona.

Way iska cadahay in uu calaamad weyn uga tagi doono Barcelona markii uu ka tagayo iyada oo ayna kooxdu haysan weeraryahan kale oo dabiici ah Martin Braithwaite ayaa ugu dhawaa.

Braithwaite, Antoine Greizmann, Philippe Coutinho iyo Ousmane Dembele ayaa kaliya dhaliyay 9 gool oo horyaalka La Liga ah ilaa haatan xilli ciyaareedkan.

Xogtan ayaa muujineysa murugada goolal la’aaneed ee Barca, iyadoo Koeman uu durba ka cabanayay nasiibkiisa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More