Inter Oo Lagu Qabtay Diego Maradona, Juventus Oo La Garaacay Iyo

Kooxda hoggaaminaysa horyaalka Talyaaniga ee Inter Milan ayaa lumisay laba dhibcood xilli ay ku sugnayd garoonka Stadio Diego Armando Maradona oo ay marti ugu ahayd Napoli.

Kooxda tababare Antonio Conte oo 11kii ciyaarood ee dambeeyey ee horyaalka Serie A si xidhiidh ah usoo guuleysanaysay ayaa laga soo afjaray in ay sii wadato rikoodhkeeda, waxaana gool la hormartay Napoli, iyadoo uu goolkaasna iska dhaliyey goolhayaha Inter ee Samir Handonovic oo ay kubadda isku fahmi waayeen Stevan de Vrij.

Xiddiga reer Denmark ee Christian Eriksen ayaa Inter Milan u dhaliyey goolka barbarraha xilli toban daqiiqadood ka hadhsan yihiin dhamaadka ciyaarta, waxaana dhibicdaasi ka caawisay in sagaal dhibcood ay ka horreeyaan AC Milan oo kaalinta labaad ku jirta.

Inter ayaa u qalmaysay in ay hoggaanka ciyaarta qabato qaybtii dambe oo waxyar socota, markaas oo Matteo Darmian uu xerada ganaaxa Napoli lasoo galay kubbad ay u badnayd haddii uu goolka toogan lahaa, laakiin waxa uu doortay in uu baas u dhiibo Lautaro Martinez, taas oo uu dhexdooda  ka qabsaday Lorenzo Insigne.

Romelu Lukaku ayaa isaguna isku day wanaagsan sameeyey, waxaanu goolka ku toogtay kubbad uu ka helay Marcelo Brozovic.

Ciyaartan ayaa kusoo dhamaatay 1-1 ay labada kooxood ku kala baxeen.

Inter Milan ayaa hoggaanka horyaalka ku haysa 76 dhibcood oo ay ka heshay 31 ciyaarood oo ay dheeshay, waxaanay 9 dhibcood ka horreysaa AC Milan oo leh 66 dhibcood, isla markaana duhurnimadii maanta guul cidhiidhi ah ka gaadhay Genoa.

Ante Rebic ayaa AC Milan u dhaliyey gool daqiiqaddii 13aad ee bilowga ciyaarta, waxaase ka daba yimid Mattia Destro oo goolka barbarraha u dhaliyey Genoa qaybta hore oo dhamaad kusii dhow.

Gool uu qaybta dambe iska dhaliyey Gianluca Scamacca oo afka hore uga ciyaara Genoa ayaa AC Milan u go’aamiyey saddexda dhibcood ee kulankan, waxaanay hadda laba dhibcood ka horreysaa Juventus oo kaalinta saddexaad fadhida.

Juventus ayaa guul-darro xanuun badan kala kulantay Atalanta oo ay marti u ahayd, waxaana lagaga soo badiyey 1-0.

Kulankan oo uu dhaawac kaga maqnaa Cristiano Ronaldo ayaa waxa goolka madiga ah ee saddexda dhibcood ay ku heshay Atalanta u dhaliyey xiddigooda Ruslan Malinovsky.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More