Inter Milan vs. Real Madrid – Kulanka Geeri ama Guul,

Inter Milan iyo Real Madrid ba waxay u tahay final oo kale, labadoodubana waxay u baahan yihiin guusha inkasta oo ay sii kala daran yihiin.

Kooxda garoonkeeda la joogo waxa kaliya ay wax ku leedahay inay guuleysato, haddii kale waxay macasalaamaynaysaa tartanka Champions League ee xili ciyaareedkan, taas oo ah wax aan laga ogolaan karin in qaabkaas fudud ay ku hadho naadi lacag sidaas u badan la geliyey, isla markaana haysata ciyaartooyo waaweyn.

Real Madrid ayaa dhinaceeda ay guushu u leedahay laba macne oo waaweyn; midda hore, waxay tahay inay tegayaan boos fiican oo ay ugu gudbi karayaan wareegga 16ka kulamada dambe haddii ay guuleystaan iyo tan labaad oo ah in ay niyad-dhis weyn ka heli doonaan ciyaartoydu waqtigan adag ee ay ku jiraan ee ay dhaawacyada iyo xanuunnadu ragaadiyeen.

Labadan kooxood oo ku wada jira Group B, waxay Inter Milan leedahay laba dhibcood oo kaliya oo ay ka heshay saddexdii ciyaarood ee ay dheeshay oo laba ka mid ah ay barbarraysay, midna laga badiyey, halka Real Madrid ay haysato afar dhibcood oo ay kulankii hore ka badisay Inter, barbarro na uga horreeyey. Laakiin labada kooxood ee kale ee ayaa koowaad iyo labaad ku kala jira. Shakhtar Donetsk oo Real Madrid ka badisay, sidoo kalena barbarro la gashay Inter iyo Monchengladbach ayaa hoggaanka Groupkan ku haysa shan dhibcood, waxaana labaad fadhida kooxda reer Germany ee Borussia Monchengladbach oo afar dhibcood haysata balse dhinaca goolasha kaga horreysa Real Madrid.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Inter Milan vs Real Madrid

Tartanka: Champions League

Waqtiga: 11pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Giuseppe Meazza

Garsooraha: Anthony Taylor (England)

Wararkii ugu dambeeyey ee ciyaartoyda dhaawaca, xanuunka iyo ganaaxa ku maqan

Inter Milan waxa karantiil kaga jira saddex ciyaartoy oo aan kulankan ciyaarayn kaddib markii uu ku dhacay xanuunka Korona Fayras, waxaanay kala yihiin Aleksandar Kolarov, Marcelo Brozovic iyo Daniele Padelli. Waxa kale oo dhaawacyo qaba oo aan taam u ahayn kulankan Stefano Sensi iyo Matias Vecino.

Tababare Antonio Conte ayaa la filayaa inuu isbeddel ku sameeyo shaxdii uu kulankii ugu dambeeyey ku ciyaaray, waxaanu safka hore keeni doonaa Milan Skriniar iyo Stefan de Vrij oo difaaca wada qaban doona iyo Alessandro Bastoni oo isaguna wehelin doona.

Martinez ayaa laga sugayaa inuu kooxdiisa goolal u keeno si la mid ah kulankii hore ee Real Madrid ay martida u ahaayeen, balse waxa uu garab weyn ka heli doonaan Lukaku oo ciyaartii hore dhaawac ku seegay balse taam u ah caawa.

Dhinaca kale, Real Madrid ayay isku daadiyeen dhaawacyo iyo xanuunka Korona Fayras, taas oo Zinedine Zidane ku ridday Madax xanuun.

Kabtanka kooxda ee Sergio Ramos, Karim Benzema iyo Federico Valverde oo ah saddexda ciyaartoy ee uu Zinedine Zidane ugu kalsoonida iyo safidda badan yahay ayaa intuba dhaawac ku seegaya ciyaartan, waxaana sii raacay Luka Jovic iyo Eder Militao oo iyaguna xanuunka Korona Fayras uu ku dhacay.

Difaaca reer Brazil ayaa in muddo ah ku maqan xanuunkan oo haddana mar kale ay calaamadihiisii ka muuqdaan.

Warka wanaagsan ayaa wuxuu yahay in xanuunka uu kasoo kabtay Casemiro oo uu taam u yahay ciyaartan, uuna ka mid ahaa ciyaartoydii safarka ku tagtay waddanka Talyaaniga Salaasadii shalay.

Marco Asensio oo kusoo bilowday ciyaartii hore ee labadan kooxood ayaa rajaynaya inuu helo boos uu kusoo bilaaban karo, laakiin Zinedine Zidane ayaa ka fikiri kara inuu sameeyo isbeddello iyadoo ay joogaan Rodrygo iyo Vinicius Junior.

Weerarka dhexe ayuu nasiibku kali uga dhigay Mariano Diaz oo aanay cidina ku qabsan doonin.

Shaxaha macquulka ah ee labada kooxood

Inter Milan: Handanovic; Skriniar, Bastoni, De Vrij; Hakimi, Barella, Vidal, Gagliardini, Perisic; Martinez, Lukaku

Real Madrid: Courtois; Carvajal, Varane, Nacho, Mendy; Casemiro, Kroos; Asensio, Isco, Hazard; Diaz

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More