Inter Milan oo isha ku haysa mid kamid daafacyadda Real Madrid –

(Milano) 06 Agoosto 2022. Daafaca midig ee Real Madrid Alvaro Odriozola ayaa lala xiriirinayaa inuu u dhaqaaqayo Inter Milan xagaagan, sida laga soo xigtay Gazzetta dello Sport.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Spain ayaa xagaagii 2018 ugu soo dhaqaaqay Santiago Bernabeu adduun dhan 32 milyan oo euro. Si kastaba ha ahaatee, wali boos joogto ah kama helin shaxda kooxda tan iyo markaas.

Odriozola ayaa markii ugu horreysay amaah lagu siiyay Bayern Munich qeybtii labaad ee xilli ciyaareedka 2019-20. Halka Amaahdiisii ​​labaad ay timid xagaagii hore markii lavatory diray inuu u ciyaaro Fiorentina oo kadhisan Serie A.

Waxuu Viola ka caawiyay inay ku dhameysato kaalinta toddobaad ee kala sareynta horyaalka Serie A. Dani Carvajal ayaa ku noqday caqabad weyn oo loogu talagalay Odriozola marka ay timaaddo inuu kusoo biloowdo booska dhanka midig ee difaaca.

Carvajal oo 30-sano jir ah ayaa ah mid kalsooni buuxdo kaheysto tababaraha Los Blancos ee Carlo Ancelotti, waxaana la filayaa inuu booskiisa sii xajisto xilli ciyaareedka soo socda. Waxa uu marxaladdo dhaawac kuseegay 10 kulan oo horyaalka ah xilli ciyaareedkii hore, xilli uu saftay 24 kulan oo La Liga ah.

Lucas Vazquez Ayaa dooqa Labaad ee Ancelotti intii uu Carvajal ka maqnaa. Shaxda koowaad, caqabadaas is biirsaday aawgeed Odriozola waxaa furran inuu kabaxo albaabka Bernabue,

Waxaa Lasoo warrinayaa inay Inter u soo xiiso uqabto soona xeri galin doonto haddii Denzel Dumfries uu katago xagaagan, Kooxda Serie A ka dhisan ayaa u qoondeysay Odriozola iyo xiddiga Leicester City Timothy Castagne inay safkooda kusoo darsadaan waa haddii ay waayaan adeegga daafaca midig ee reer Holland.

Laacibka reer Spain ayaa labo sanno uga hartay qandaraaskiisa Madrid, waxaana uu horey u lahaa khibrad ka ciyaarista Serie A. Si kastaba ha ahaatee, lama hubo in Los Blancos ay lacag ku iibsan doonto xagaagan ama ay sugi doonto sannad kale.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More