ILMO KALE MA RABO! Xaaska Xiddig Weyn Oo U Dheela Chelsea Oo

1

Xaaska xiddiga Chelsea Thiago Silva ayaa qiratay inay isku dayayso inay ka dhaadhiciso isaga inuu maro qaliin uu isaga dhigaya madhalays.

Isabelle da Silva oo labo caruur ah dhashay ayaa diiday inay iyadu marto qaliin minka looga xirayo si aysan caruur kale u dhalin madaama qoyskeeda ay hido u leeyihiin naaxida iyo cayilka.

Waxay u sheegtay taageerayaasheeda Instagram inuu ka shaqeyneyso sidii ay uga dhaadhicin laheyd xiddiga Chelsea Silva oo 36 sanno jir ah inuu madhalays iska dhigo oo uu maro qaliin xubinta tarankiisa ah.

Iyadoo ka hadleysay suurtogalnimada ay iyadu minkeeda ku xiri karto, waxay Isabelle tiri: “Taasi marnaba meesha lama soo gelin karo.

“Xitaa ma doonayo inaan ka fiirsado inaan saas sameeyo.

“Dhamaan dumarka qoyskeyga iyo kuwa kale aan ogahay waxay noqdeen kuwa cayilay ama naaxay markii minka laga xiray.

“Madaama aan ka soo jeedo qoys wada cayilan ma doonayo inaan wax riski ah qaato.

“Waxaan la hadlayay ninkeyga iyo dhakhtar sidii uu Thiago ku mari lahaa qaliin uu madhalays isaga dhigayo.

“Aniga ahaan taas ayaa ii fiican. Waa wax aan weli kawada hadleyno.”

Isabelle oo baraha bulshada ku isticmaasha magaca Belle Silva ayaa hadalkeeda raacisay:

“Marka uu joojiyo riyadiisa ah inaan canug kale u dhalo wuxuu markaas ogolaan doonaa inaan qaliinka madhalyska ah maro anigana markaas waxaan joojin doonaa inaan qaato kaniinka dhalmada celiya.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More