Horyaalka Premier League Oo Dhamaadkiisa La Saadaaliyey, Man

Saadaal cusub ayaa laga sameeyey horyaalka Premier League kaddib markii uu soo xidhmay suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagan, waxaana si gaar ah loo dul istaagay koox walba iyo halka ay kaga dhamaysan doonto horyaalka marka uu xili ciyaareedku soo xidhmi doono horraanta bisha May ee sannadka dambe.

Manchester United oo la kulantay guul-darro 6-1 ah oo Tottenham u geysatay iyo Liverpool oo ay Aston Villa ku xasuuqday 7-2 ayaa indhaha soo jiitay, waxaanay labadan natiijo saamayn ku yeelan karayaan sida ay kooxahani noqon karayaan inta ka hadhay xili ciyaareedka.

Inkasta oo uu bilow yahay horyaalku, haddana waxa la sameeyey saadaal cusub oo ku sallaysan sida maalinta ugu dambaysa ay kooxuhu u kala sarrayn doonaan, waxaana saadaashani ay ka duwan tahay kuwii hore loo sameeyey maadaama ay timid xilli koox walba ay dhamaystiratay saxeexyadii ay u baahnayd.

Min Chelsea, Manchester United, Liverpool, Manchester City, Arsenal ilaa Tottenham, dhamaan kooxaha waaweyn ayaa si firfircoon ugu jiray suuqa oo lasoo saxeexday ciyaartooyo wax badan kusoo kordhin kara haddii ay sida ugu habboon uga faa’iidaystaan, isla markaana si fiican ula qabsadaan.

Warbaahinta GIVEMESPORT ayaa shaacisay saadaal cusub oo ku sallaysan awoodda kooxaha, waxaana maalinta ugu dambaysa ee horyaalka Premier League dhamaanayo hoggaanka hayn doonta Liverpool, taas oo ka dhigan inay difaacanayso horyaalka ay sannadkii hore hanatay oo ay mar kale ku guuleysan doonto.

Manchester City ayaa sannadkii labaad oo xidhiidh ah waxay ku dhamaysan doontaa kaalinta labaad, sida saadaashani muujisay, waxaana kaalinta saddexaad soo xidhiidhsan doonta Tottenham, halka Chelsea afraad u dhici doonto oo ay ka sarrayn doonto Arsenal oo shanaad geli doonta.

GIVEMESPORT waxay saadaasheeda ku sheegtay in Everton ay kaalinta lixaad ku dhamaysan doonto, Manchester United na ay waji gabax ku jiri doonto oo ay kaalinta toddobaad geli doonto, taas oo ka dhigan inay ka hadhi doonaan Champions League, sidoo kalena ay isreeb-reeb usoo geli doonaan Europa League.

Saddexda kooxood ee dib ugu laabanaya heerka labaad ayaa waxay saadaashani sheegtay inay noqon doonaan Fulham, West Brom iyo Sheffield United.

Akhriso saadaasha oo dhamaystiran:

20. Fulham

19. West Bromwich Albion

18. Sheffield United

17. Burnley

16. Crystal Palace

15. Brighton & Hove Albion

14. Newcastle United

13. Southampton

12. West Ham United

11. Aston Villa

10. Leeds United

9. Wolverhampton Wanderers

8. Leicester City

7. Manchester United

6. Everton

5. Arsenal

4. Chelsea

3. Tottenham Hotspur

2. Manchester City

1. Liverpool

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More