#Horyaalka Ingiriska: Harry Maguire, Raheem Sterling & Harry Kane Xulka Kooxda Isbuuca

9

Kooxda kubadda cagta ee Manchester United ayaa guul raaxo leh kaga daah furatay xili ciyaareedka cusub ee horyaalka Premier League 2019/2020, kaddib markii ay 4-0 kaga adkaatay dhigeeda Chelsea.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hogaamineysay kooxda Manchester United.

Daqiiqadii 18-aad Manchester United ayaa heshay rigoore waxaana gool u badalay Marcus Rashford, ciyaarta ayaa waxay sidaas ku noqotay 1-0.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada kooxood ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad loo jecleystay, iyagoo sameeyay isku dayo dhowr ah ay goolal ku dhalin gaareen.

Daqiiqadii 65-aad Anthony Martial ayaa hogaanka u sii dheereeyay kooxda United-ka, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2-0, kaddib caawin uu ka helay Andreas Pereira.

Marcus Rashford ayaa markan si toos ah u niyadjabiyay taageerayaasha kooxda Chelsea wuxuuna daqiiqadii 67-aad dheesha ka dhigay 3-0, kaddib caawin qurux badan uu ka helay Pogba.

Laakiin sheeko waxay ka sii dartay kaddib markii uu Daniel James oo ciyaarta badal ku soo galay ayaa wuxuu daqiiqadii 81-aad dheesha ka dhigay 4-0, xili uu markale goolkan caawiyay Paul Pogba.

Laakiin ugu dambeyntii kulanka ayaa wuxuu ku soo dhamaaday 4-0 ay guusha ku raacday kooxda Man United oo ku ciyaareysay garoonkeeda Old Trafford.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More