HORE LOOMA ARAG: Waddanka Faransiiska Oo Laga La’yahay Garamada

Aad ayay u jeclaayeen, waxaanay u arkayeen mustaqbalka xulkooda iyo midka guulaha ku hoggaamin doona, isagoo noqday kabtankooda xilli uu da’ yaryahay. Laakiin nasiib umay helin in ay arkaan isaga oo dharka qarankooda ku labbisan muddo shan sannadood iyo badh ah, sababtuna waxay ahayd in fadeexad aanu gelin oo lagu eedeeyey darteed looga tuuray xulka qaranka.

Si lama filaan ah ayay magaciisa ugu arkeen isagoo ku jira liiska xiddigaha xulka qaranka France ee toddobaadkii hore lagu dhawaaqay, waxaanay markiiba shirkadda NIKE ee dharka u samaysa France ay bilowday daabacaadda garamadiisa oo uu dhabarka kaga qoran yahay No.19 iyo kuwo kaliya magaciisu xagga dambe kaga qoran yahay. Laakiin tiro kasta oo dukaamada la keeno, waxa sii sugaya dad kasii badan.

Karim Benzema ayaa rikoodh aan hore  loo arag ka dhigay ka dhigay iibka garamada xulka qaranka France tan iyo markii dib loogu soo celiyey xulka badhtamihii toddobaadkii hore.

Dukaamada dharka ayaa la sheegay in laga la’ yahay garamada uu Benzema ku qoran yahay, sidoo kalena waxa uu sare  u kac weyni u ku yimid iibka dharka xulka ee xataa ciyaartoyda kale xidhaan, waxaana sabab u ah Karim Benzema oo dib loogu soo celiyey xulka oo uu shan sannadood iyo badh ka maqnaa.

Karim Benzema oo dhowaan la guddoonsiiyey abaal-marinta xiddiga ugu wanaagsan Faraniiska ee ka ciyaarta waddanka dibeddiisa, waxa uu xulka u xidhan doonaa No.19 maadaama uu Kylian Mbappe kasii dhaxlay lambarkiisii hore ee No.10.

Sida ay sheegtay xog ay soo bandhigtay dunisports, iibka garamada xulka qaranka Faransiiska ayaa waxa uu sare u kacay 2,400 boqolkiiba (2,400%).

Tiradan ayaan hore looga arag dukaamada lagu iibiyo dharka xulka qaranka France.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More