HORDHAC: West Bromwich vs Arsenal – Gunners Oo

Arsenal ayaa raadineysa guushoodii seddexaad ee isku xigta ee Premier League markii ay caawa ku booqanayaan West Bromwich Albion garoonka Hawthorns.

Arsenal ayaa badisay labadii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay kooxaha Chelsea iyo Brighton iyaga oo u soo dhaqaaqay kaalinta 13-aad, laakiin West Brom ayaa wali ku jirta kaalinta 19-aad iyada oo kaliya 8 dhibcood ka heshay 16 kulan oo ay ciyaartay.

WARKA LABADA KOOXOOD EE KULANKA

West Bromwich Albion ayaa wali waxaa ka maqnaan doona Towsend, kaasoo seegay kulamadii ugu dambeeyay dhaawac muruqa ah, halka Livermore uu seegi doono seddexdii kulan ee ugu dambeysay.

Kieran Gibbs sidoo kale shaki ayaa ku jira kooxdiisii ​​hore halka Kyle Bartley iyo Hal Robson-Kanu ay u badan tahay inay seegaan kulankaan.

Arsenal ayaa wali waayi doonta Thomas Partey iyo Reiss Nelson halka Gabriel Magalhaes oo dhawaanahan laga helay cudurka Korona Fayras uu markale seegi doono.

Willian iyo David Luiz ayaa labadoodaba la rajeynayaa inay diyaar noqdaan ka dib markii ay ka soo kabsadeen xanuun laakiin la yaab ma noqon doonto hadii ay kursiga keydka fadhiyaan madaama kooxda ay soo bandhigtay qaab ciyaareed la’aantood.

Saka ayay u badan tahay inuu qaab ciyaareed ku jiro ka dib dhaawac muruqa ah oo soo gaaray kulankii Brighton, Lacazette ayaa ku soo bilaaban kara.

Shaxda macquulka ah ee labada koox

West Bromwich Albion: Johnstone; Furlong, Ajayi, O’Shea, Peltier; Robinson, Pereira, Sawyers, Gallagher, Diangana; Deeqo

Arsenal: Leno; Bellerin, Holding, Mari, Tierney; Elneny, Xhaka; Saka, Smith Rowe, Martinelli; Aubameyang

MACLUUMAADKA KULANKA

Tartan: Premier League

Madaarka: Hawthorns

Waqtiga: 23:00 Saacada Geeska Afrika

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More